Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Candidada waa ilmo-aragtay fungus ah ,caabuq ayuu kukeenaa afka marka qofka difaaciisu uu hoos u dhaco.
Badanaa waxa laga helaa habdhiska dheefshiidka iyo unugyada jilicda san ee afka iyo xubnaha taranka , wax dhib ahna kuma hayso ,laakin qofku marka uu difaaciiso hoos u dhaco ayey waxyeeladeeda lasoo baxdaa.
Candida albican noo loo yaqaan 80% waxa ay kunooshahay afka ,waata ugu badan ee xanuun ku keenta afka iyo inta ku xeeran.
Caruurta hadda dhalata ilaa sanad 45% caabuqa afka kaga dhaca waxa keena c.albicans.
Caruurta da’da dhexe 45–65% xanuunada afka waxa ku keenta candida.albican.
Dadka waaweyn 65–80% xanuunada afka waxa ku keenta c.albican .
Dadka la nool xanuunada difaaca hoos u dhiga sida HIV/AIDS afkooga lagama waayi karo ,
90–95% waxa ku keena waa c.albicans.
Maadaama ay badantahay helidda daawooyinka hoos u dhiga caabuqa , daawooyinka hoos u dhiga difaaca iyo xanuunada jiitama sida SONKOROWGA ,HIV/AIDS waxa lasoo bandhigaa dadbadan oo xaaladahan la nool oo uu kudhacay xanuunka candida ee afka.
CALAAMADAHA LAGU GARTO .
- Cadcaddaan afka oo dhan illaa qanjaha iyo dalqada.
YAA HALIS UGU JIRA?
- Hooyada uurka leh.
- Dadka lanool xanuunada jiitama sida macaanka ,HIV/AIDS ka iyo xanuunada kale ee galmada lagu kale qaado.
- Caruurta yar-yar ee hadda dhalata.
- Caruurta nafaqo darradu ay hayso.
- Nadaafad xumada afka.
- Dadka macaanka la nool .
- Daawooyinka loo yaqaan steriods sida prednisolone.
- Af qalaylka badan dadka leh.
DHIBAATOOYINKA LAGA DHAXLO-WAXA KA MID AH :-
Badanaa dadka la nool xanuunka HIV/AIDS waxa uu u gaystaa dhaawacyo aad ubadan dadka ugu daran ee uu saamayaa waa iyaga.
SIDEED UGA HORTAGI KARTAA XANUUNKAN?
- Nadiifi afkaaga inta aanad qaadan daawooyinka corticosteriodka ee loo qaato xiiqda .
- Afkaaga nadiifi maalintii laba jeer .
- Dhakhtarka afka iyo ilkaha ku xidhnow.
- Cuntooyinka sonkorta badan waxa ay kordhiyaan candida xanuunka ay sababto fadlan yaree sonkorta aad qaadanaysid .
CUNTOOYINKA MUHIIMKA AH EE UU QAADAN KARO .
- Cunto aan shiilnayn.
- Cuntooyinka sonkorta badan aan lahayn.
DAAWEYN.
Daaweynta waxa samayn kara dhakhtar .
Haddii ay xumad ay jirto fadlan waydii daawo-yaqaanka in aad qaadankartid.