Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Jadeecadu waa mid ka mid ah xanuunada faafa ,xanuunkaas oo lagu kale qaado hawada,taabashada iyo dareeraha qofka bukaanka ah hadii uu kusoo gaadho.
Waa xanuun ka hortag leh ,waxa uu leeyahay talaal.
Wakhtigan aynu joogno caruur aad u badan ayaa ay ku dhacday waa qiyaasti maalintii waxa ay ku dhacdaa 10–15 caruur da’doodu ay ka hoosayso 15 jir ,
Marka aad is barbar dhigto dadka waaweyn iyo caruurta labaduba way u simanyihiin qaadidda xanuunka hadii qofku aanu qaadan tallaalka .
wakhtiga calaamadaha qofka lagu arko ilaa 2 usbuuc ayaa ay qofka haysaa jadeecadu.
MEELAHA AY SAAMAYSO WAXA KA MID AH :-
- Afka iyo hunguriga .
- Maqaarka .
- Indhaha.
Afka iyo hungurigu way cassaanayaan , taas waxa ay keenaysaa in qofku aanu waxba cuni karin ,waxa lagula tacaalayaa in faleenbooyin xididka laga siiyo.
CALAAMADAHA LAGU GARTO JADEECADA.
Calaamaduhu waxa ay muujismaan marka uu qofku uu la kulmo qofka bukaanka muddo 1–2 usbuuc kadib ayaa uu calaamadaha uu muujin karaa.
- Xumadd jidhka o dhan ah.
- Duuf .
- Indhaha oo aad u cassaada qofka.
- Finan dhibco ah oo afka kasoo baxa.
- Dhibco cas cas oo goobogoobo ah oo lagu arko wajiga iyo maqaarka ah kuwaas oo hadhow is gaadha kadib noqda goobooyin waaweyn.
Nuglaanshiyaha marka la eego dadka waaweyn iyo caruurta ,jadeecadu waxa ay aad u dhibaatooyin ugu gaysataa caruurta yar yar.
DHIBAATOOYINKA ILMAHA YAR UU KA DHAXLI KARO JADEECADA…
Maadama fayras uu keenayo ,waxa hoos u dhaca difaaca ilmaha yar maadama cunto fiican aanu qaadan karin , sidoo kale difaaciisu uu hoos u dhacay waxa lagu arki karaa xanuuno kale sida :-
- Oofta .
- Maskaxda oo dhaawacanta .
labadan sababood waxa lagu daaweyn karaa dhakhtar, hadii hore loo geyn waayo ilmaha yar dhakhtar sifudud ayuu u dhiman karaa..
KA HORTAGGA JADEECADA.
Malaha daawo xanuunka jadeecadu laakin waxa ay leedahay kahortag.
Tallaalka loo yaqaan MMR oo loo soogaabiyey(measles,mumps iyo rubella) waxa uu ka koobayahay saddex talaal ,ka aynu u baahanahay waa measles ,saddexdooda oo wada socda ayaa muhiim ah marwalba.
- Hooyada uurka leh ,caruurta yar yar ee aan tallaalka qaadan iyo dadka waayeelka ah waa dadka unugul xanuunka fadlan hadaad calaamadaha aad ku aragtaan qof qoyskiina ah si degdeg ah goob caafimaad u geeya .
FADLAN DHAKHTAR KU XIDHNOW.