Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Beerka aadamuhu waa xubin aad u cajiib badan ,maalin walba waxa uu sameeyaa maadada bile waxa inaga caawisaa burburinta cuntada ,iskubedelka nafaqooyinka ,saaridda sunta ,beerku waxa kale uu inaga caawiyah in daawooyinka laga qashin saaro sidoo kale uu ka dhigo daawo aan waxyeelo lahayn.
Maaha in aad qarisid calaamadaha la xidhiidha in beerku uu wax qabo sida ,huruud indhaha iyo jidhka ah,kaar iyo barar naaska hoostiisa ah qaybta midig hadaa calaamadahan aad isku aragtid in aad si degdeg ah aad ugu sheegtid dhakhtarkaaga .
5 qodob oo sababi kara in beerku uu ku bukooto waxa ka mid ah :-
- SUNTALAGU BUUFIYO KHUDAARTA .
Beerku waxa uu masuul ka yahay in sunta cuntada la socota laga nadiifiyo , cuntooyinka iyo khudaarta badanaa waxa lagu buufiyaa sun ka hortagta cayayaanka si ayna dhib ugu gaysan cuntadaas .
saamayn baaxad weyn ayaa ay u gaysataa suntaasi beerka waxa ay ka dhigta marka ay ku ururto mid saamayn anuu kasoo kaban kaga tagta taasna ay hoos ugu dhigayso shaqadiisii.
waxa muhiim ah marka aad khudaar isticmaalaysid in aad iskaga nadiifisid.
- DAWOOYINKA.
Daawooyinku waxa ay iskugu jiraan laba nooc daawo la sameeyey iyo daawo dhaqameed(dhir).
daawooyinka laseemeyey ee kiimikooyinka la iskudarday ah beerka saamayn aad u weyn ayey ku leeyihiin waxa ka mid ah daawooyinka bakteryada lagula tacaalo ,daawooyinka macaanka iyo daawooyinka kansarka waxa ay kiciyaan hoormoonada beerku uu soo daayo muddo kadib waxa ay keeni karaan in beerku uu xanuusto , marwalba oo aad daawo qaadanaysid waa in aad sabab u qaadatid oo aanad iska qaadan daawooyin dhakhtarku aanu kusiin .
Aad uga taxadir daawooyinka hadii aad qabtid mid kamid ah xanuunada beerka sida noocyada jooniska.
Daawooyinka dhirta maadaama oo aynaan garanayn inta qofka ku haboon ee daaweynaysa 100% waxa ay saameynaysaa beerka fadlan kale tasho dhakhtarkaaga .
- ALKOOLADA.
Alkoosha iyo waxyaabaha ay ku jirto alkooshu waxa la isku raacsanyahay in ay beerka aad u saamayso taasna ay keenayso in beerku uu bukoodo.
Alkoolada oo uu qofku iskadaayo cabitaankeeda ,dhakhaatiirtu waxa ay sheegaan in si fudud uu uga soo bogsan karo walow ay wakhti qaadanayso bogsashada beerka lakiin goaankaas ayaa ah goaan caawin doona.
fadlan aad uga taxadir alkoolada.
- BUURNIDA ,MACAANKA IYO SUBAGA OO DHIIGGA KU BATA…
Waxa ay keenaan in beerku dux-badan uu yeesho taasina ay kukeento in beerku uu qaado caabuq waxa ay fududaynaysaa in beerku uu shaqadiis joojiyo .
miisaanka oo sarreeya , macaanka iyo subaga oo dhiigga ku bataa waxa ay sahlaysaa in xanuunka kansarku uu sifudud uu beerka ugu dhaco.
Daawooyinka aad miisaanka aad kulimisid waa saddex qodob :-
- Cunto dheeli tiran.
- Jimicsi .
- Hurdowanaagsan.
waxa muhiim ah in aad jimicsatid saddexdan qodob waxa keena jimicsi la’aan.
- XANUUNADA BEERKA.
Xanuunada beerka oo aad hiddo-uleedihiin waxa ay keenaysaa in aad adiguna aad halis u gashid in aad qaadid .
Joonis caddaha iyo joonis-cassaha ayaa ah labo xanuun oo aad ugu badan qoysaska wada nool.
hadii lala tacaali waayo xaaladahan waxa ay keeni kartaa in beerku xanuuno kale ay ku dhici karaan .
Haddii aad la nooshahay xanuunada beerka sida joonisyada fadlan aad ula xidhiidh dhakhtarkaaga talooyinkiisana si fiican u qaado.
3-6 Bilood ku dedaal in aad cabirtid beerkaaga si aad u ogaato isbedelada ku imanaya.