DHIIG-SHUBIDDA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Xaddiga dhiiggu marka uu gaadho xaddi aad ku deeqi kartid ayuunba laguu ogol-yahay in aad dhiig shubtid.

Caadi ahaan qofka qaan-gaadhka ah waxa laga rabaa in xaddiga dhiigga ah ee ku jiraa uu yahay 12-16g/dl .

Marka laga imaado in la cabiro xaddiga dhiigga ah oo kuu sheegaya inta garaam ee kugu jirta waxa jira calaamado kale oo lagu ogaan karo.

Calaamadaha lagu ogaado in xaddiga dhiigu uu kugu badan yahay.

  • madax-xanuun.
  • caad-indaha kaa saarma.
  • wadnaha oo aad u qaraacma.
  • timaha oo aad ugu bata jidhkaaga sida dhabarka ,laabta iyo sinta.
  • miisaanka oo aad usaraysma.
  • wajiga oo saliid badan yeesha.
  • finan jidhka oo dhan ah .

GOORMA AYAA UU QOFKU UU DHIIG SHUBI KARAA?

Da’a ahaan waa in uu u dhaxeeyo 18—-qof weyn .

sababaha loogu diidoo dadka in ay dhiigg shubaan waxa ka mid ah :-

  • In qofku uu xanuuno la nool-yahay sida macaanka,dhiikarka iyo beer subagga.
  • xanuunada faafa sida jooniska , HIV/AIDS iyo dhamman xanuunada lagukale qaadi karo dhiiga.
  • qofka haddii uu miisaankiisu uu ka hooseeyo 55kg .

IMISA JEER AYUU SHUBI KARAA QOFKU DHIIG?

Xaddiga dhiigga ee uu shubi kartid waa 8%–12% xaddiga dhiigga ee kugu jira .

waxa aad shubi kartaa halkii mar 500ml ugu badnaan.

DUMARKU MA SHUBI KARAAN DHIIGGA?

Haa way shubi karaan hadii xaalad degdeg ah ay dhacdo ama loogu baahdo dhiigeeda.

sababaha loogu diido waxa ka mid ah maadama ay ku jirto wakhtiga caadada waxa ay ubaahantahay kasoo-kabasho oo xaddigeeda dhiigga in kor loosoo qaado ,sababahas ayaa loogu yar diidaa.

MAXAA MUHIIM AH IN LA EEGO INTA AANAD DHIIG-SHUBIN?

Qofka dhiigga shubaya waxa muhiim ah in laga eego :-

  • xaddiga dhiigga ku jira.
  • dhiiggiisu nooce-uu yahay.
  • cabirada kale duwan sida -cadaadiska dhiigga, heerka qaraaca wadnaha iyo heerka sonkortiisa.
  • xaaladda uu ku jiro qofku .
  • in xanuuno uu la noolyahay sida xanuunada faafa iyo xanuunada jiitama.

CUNTOOYINKEE AYAA MUHIIM AH IN AAD SOO ISTICMAASHID INTA AANAD DHIIG-SHUBIN?

Waxa ugu fudud ee aad isticmaali kartaa waa biyo .

marka laguu dhameeyo waa in aad isticmaashid dareere awood kusiin kara sida canbe(mango),tufaax iyo cabitaanada awoodda qofka soo celiya.

CUNTOOYINKEE AYAAD ISTICMAALI KARTAA MARKA AAD DHIIG SHUBTID?

Kabacadi dhiig shubista waxa aad bixisay macdano badan sida iron – iron waa ta ugu muhiimsan ee xaddiga dhiigga iyo unugyadaba kor u qaadda tayadooda iyo habsami ushaqayntooda.

cuntooyinkan ayaad isticmaali marka aad dhiiga shubtid kadib :-

  • Biyaha -ugu yaraan maalintii 3 litter
  • Hilib (usbuucii 2 jeer).
  • Digaag(usbuucii 3 jeer).
  • Kalluunka(usbuuci 3-4 jeer).
  • Beedka( waad isticmaali kartaa hadii aanad ku lahayn xasaasiyad).
  • Khudaarta cagaaran .
  • Cuntooyinka barootiin ka sida digirta,faasuuliyaha,biiniska iyo misirka..
  • Furuutka .
  • Caanaha.

QODOBADAN LAGUUMA OGOLA MARKA AAD DHIIG-SHUBAYSID.

  • In aad bun soo cabtid.
  • Haddii aad xanuunsantahay.
  • Haddii aad soo qaadatay xanuun baabiyee ama daawooyinka dhiigga xinjirta hoos udhiga.

DHIIG-SHUBSTA WAX-DHIB AH MIYAA LAGA DHAXLAA?

Dhibaatooyin lagama dhaxlo dhiig shubista waxa laga helaa firfircooni iyo caafimaad.

Xaaladaada caafimaad marka hore lawadaag shaqaalaha caafimaadka ee goobta jooga.

FAAIIDADA DHIIG SHUBTA.

Faaiidada dhiig shubistu way badantahay waxa ka mid ah in ay ufiicantahay:-

  • wadnaha.
  • kelyaha .
  • maskaxda.

waxa aad helaysaa in sifudud oo bilaash ah lagaaga eego xanuunada faafa oo dhan taasina waa faaiido kuu gaar ah.

si xubnayaashan ay ugu shaqeeyaan si fiican xaddiga dhiigu hadii uu bato dhiig badanayaa joogaya xidida iyo halbowlayaasha taasna saameyn ayey ku yeelanaysaa .

mahadsanid