Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Timuhu waxa ay ubaahan yihiin in ay koraan ,quruxbadnaadan sidoo kale ay dhalaalaan.
Nafaqooyinka timaha ee kale duwan waa kuwa u horseedaya timaha in ay noqdaan timo quruxbadan oo soo jiidasho leh.
Timo-daadashadu waxa ay ka timaadaa nafaqooyinkan timaha oo kuyaraada .
Timaha sidoo kale bixintooda iyo daadashadooda waxa ka qayb qaata da’da, deegaanka , hiddo sidaha iyo nafaqada qofku uu qaadanayo iyo hoormoonada jidhka.
FIITAMIINADA MUHIIMKA U AH TIMAHA.
VITAMIN A.
Fiitamiin A waxa loo yaqaan fiitamiinka koritaanka,fiitamin A waxa uu waxa uu caawiyaa godadka timaha ee saliidda kuwaas oo ka ilaaliya madaxa in timuhu ay daataan, sidoo kalena ay usameeya timaha dhalaal iyo qurux bilicleh.
Uma baahnid fiitamiin A aad u xaddi badan , xaddiga badan ee fiitamin A isagaaba keena in timuhu ay daataan ,waxa muhiim ah in aad isticmaashid cuntooyinka ay ku jiraan fiitamiin A sida:-
- kaarootada.
- xabuubta/yaanyada.
- kaabaj.
- Beedka.
- Caanaha.
- Ciirta.
VITAMIN B.
Fiitamiinada ugu mudan ee timaha waxa la yidhaa fiitamin B oo loo garan ogyahay BIOTIN.
Biotin(vitamin b7) waa fiitamiinada ugu mudan ee awoodda,quruxda iyo kolorka siiya timaheena .
qofka haddii ay ka yartahay waxa ku dhacaya in timihiisu ay awood darraadaan ,sidoo kale si fudud ay u jajabi karaan.
CUNTOOYINKA LAGA HELO VITAMIN B .
- Cuntooyinka galka leh.
- Hilibka .
- Kalluunka.
- Khudaarta cagaaran.
BIOTIN jidhka waxa uu ka caawiyaa qaadidda oxygen iyo nafaqooyinka kaas oo kor uqaadaya nafaqada timaha ,cuntooyinka galka leh ,hilibka ,kalluunka iyo cuntada cagaaran ayaa laga helaa vitamin B.
IRON .
Unugyada cas-cas ee dhiigga waxa ay ubaahanyihiin maadada iron , si maadada oxygen ay u xanbaaraan oo ay u gaadhsiiyaan dhammaan jidhka.
Haddii maadada iron ay ku yartahay qofka jidhkiisa iyo timihiisu waxa ay noqdaan cawlaan ,timuhuna wa ay daataan.
Haddii aad ka mid tahay dadkan fadlan iron taadu way hoosaysaa :-
- dhiigga caadada .
- dadka khudaarta isticmaala.
- dadka xanuunada jiitama la nool.
cuntooyinkan isticmaal waxa ay kor uqaadi doonaan xaddiga iron taada:-
- hilibka cas.
- khudaarta .
- cuntooyinka barootiinka ah sida beedka ,digirta ,faasuuliyaha iyo cuntooyinka galka leh.
ZINC.
Zinc waxa uu ka qaybqaata samaysanka maadada barootiinka ,oo faaiidooyin hab difaaceed siiya jidhkeena.
zinc jidhkeenu ma samaysto waxa aynu ka helnaa cuntooyinka aynu cunno.
Timuhu maadaama ay ka samaysanyihiin barootiin sababtaas ayeynaa uga maarmayn.
ZINC DADKA BADANAA U BAAHAN WAA :-
- hooyada uurka leh.
- hooyada naas-nuujinaysa.
- dadka la nool xanuunada kelyaha.
CUNTOOYINKA LAGA HELO ZINC.
- Kalluunka.
- hilibka.
- biiniska.
- lawska.
VITAMIN C.
Fiitamin c waxa uu u wanaagsanyahay in mindhiciradu si wanaagsan u nuugaan maadada iron .
Iron fiican haddii la helo waxa fiicnaanaysa xaddiga dhiigga oxygen ta ku jirta iron tu waxa ay ka hortagysaa in timuhu daataan ama cawlaadaan.
vitamin-nada kale ee ku jira vitamins kan waa vitamin-o caawinaya fiitamiinada kale ee u muhiimka ah timaha.
hair follicle waa fiitamiin aad muhiim ugu ah timaha waxa uu ka koobanyahay 26 fiitamiino iyo nafaqooyin.
Raggu waxa ay leeyihiin mid u gaar ah ,dumarkuna waxa ay leeyihiin mid u gaar ah.
HADDA SOO DALBO.
whatsapp-ka fariin noogu soodir.