XADDIGA FIITAMIN-D HADII UU BATO MAXAA LAGU GARTA?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Fiitamin-D waa fiitamiinada muhiim ka ah ee jidhkeenu marwalba uu u baahan yahay.

Jidhkeenu waxa uu ka dhigaa fiitamin-D(calceferol) mid shaqaynaya oo jidhka wax u taraya marka jidhku uu helo cad-ceed ku filan .

Xadiga fiitamin-D ee jidhkaagu si uu u fiicnaado waxa ay ku xidhantahay qodobo badan sida wakhtiga cadceeda socotid, cuntada aad qaadatid , wakhtiga iyo midabka jidhka.

Xadiga laga rabo ee fiitamin D waa inuu u dhaxeeyo 30–100mg/dl .

Xadiga fiitamin-d marka uu sarreeyo waxa kor u kaca xadiga calciumta.

CALAAMADEHEE AYAA LAGU GARTAA IN FIITAMIN-D KAAGU IN UU SAREEYO?

xadiga calciumtu marka ay saraysanto waxa muhiim ah in caliumta waxa kicinayaa uu yahay xadiga fiitamin-D in uu sareeyo .

  • Yalaalugo joogto ah.
  • Mantag.
  • Awood la’aan.
  • Kaadi-badan .
  • Kelyo-xanuun.
  • Lafo-xanuun.

waxa ugu badan ee ku keenay waxa weeyi calcium-ta uu xaddigeedu uu batay.

Waxayaabaha ugu badan ee qofka ku badin kara fiitamin-d waa qofka oo qaata xaddi fiitamin D maalin walba .

Xaddiga fiitamin-d hadii uu ka bato 16,000I/U muddooyin bilo ah oo xidhiidh ah qofkaas waxa uu halis ugu jiraa in uu ku sumoobo fiitamin-D.

Xalka kaliya ee loo hayaa xaaladan waa :-

  • In uu qofku uujoojiyo fiitamin D uu qaadanayey.
  • Maadaama vitaminD marka uu ku bato jidhka sido kale ay badanayso maadada calcium waxa muhiim ah in qofku sidoo kale uu joojiyo calcium-ta.

HADDII AAD DAREENTID CALAAMADAHAN FADLAN WAA MUHIIM IN AAD DHAKHTAR AAD LA XIDHIIDHID .