Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
BAKTEERIYADA E.COLI IYO MARYAHA.
Waxa aynu dhaqan u leenahay marka aynu dhar-dhaqanayno in aynu wada maydhano dharkeena tusaale dharka wiilasha in hal mar qasaaladda lagu wada rido .
Taas waxa ay keentay dhibaaooyin caafimaad oo hor leh oo la xidhiidha xanuunada ku dhaca kaadi-haysta.
Dharka hoosta laga xidho sidan nigiska(underwear) waxa ka buuxa bakteeriyada loo yaqaano E.COLI oo ah bakteeriyooyinka laga helo intan uurku jirta.
Agabka dharka lagu maydho 44% waxa laga helayaa bakteriyada E.coli oo keenta saamayn caafimaad oo aad u daran.
waxa ay ku noolaata dharka iyo maqaarkaba muddo usbuucyo ah , waa sababta ay ku keeni karto caabuqa kaadi haysta ku dhaca ee loo yaqaano (UTI).
Qofka xanuunka qaba dharkiisa hadii lala maydho qof kale waxa ay bakteriyadu ay u gudbi kartaa dharka qofka kale sidaas ayuu xanuunka uu ku qaadi karaa.
SIDEE LOO YARAYN KARAA BAKTERIYADA E.COLI?
- Dharka in shakhsi shakhsi dharkiisa loo maydho.
- In biyo diiran oo gaadhaya 37c in maryaha lagu maydho si ay udhintaan ilmo aragtayda sida bakteeriyada ,fayruska iyo fanguska.
- Haddii la wada isticmaalayo agabka dharka lagu maydho(qasaaladaha ) in marwalba la isticmaalo jeermis dile sida jaafeerka.
HADDII CAABUQA KAADI HAYSTU UU KUSOO NOQNOQDO QOYSKA FADLAN AAD GOOB CAAFIMAAD SI LA IDIIN DAAWEEYO.
DHIBAATOOYINKA KA DHALAN KARA HADII AAN LA DAAWEYN CAABUQA KAADI HAYSTA KU DHACA EE AY KEENTO E.COLI?
- Caabuqu in uu sii fido oo ay keeni karto in uu kelyaha uu gaadho.
- Difaaca jidhka oo hoos u dhaca.
- Xanuunada uurkujirta oo sii faafa.
CALAAMADAHA CAABUQA KAADI HAYSTA KU DHACA WAXA KAMID AH :
- Kaadida oo ku gubta.
- Dhexda oo ilaa dhabarka ,iskuwareega oo ku xanuunta.
- Kaadi haysta dusheeda oo aad kaar ka dareentid.
- Qandho.
- Kaadida midabkeeda oo is-bedesha .
- Cadcaddaan aad ku aragtid kaadida.
Haddii aad calaamadahaa isku aragtid fadlan aad goob caafimaad.