Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Aad ayey muhiim u tahay in ugxantaadu tiro ahaan badantahay sidoo kalena ay awood badantahay , taas waxa ay qayb ka tahay tarankaaga.
Ururuka caafimaadka aduunku waxa ay sheegayaan ugxanta awoodda badan waxa ay ka koobantahay 15 million /1 millimeter–30 million/1ml oo ugxan awood badan .
Warbixintaas waxa ay kuusheegaysaa in ugxanta caafimaadka qabta ay intaas ka koobantahay.
Haddii ay intan ka yartahay ama biyaha ay dhex dabaalanayaan ay ka yartahay waxa muhiim ah in ninka awoodiisa kor loosoo qaado .
Culimada caafimaadku waxa ay isku raaceen in qodob kale oo aad muuhiim ugu ah ugxanta ragga uu jiro oo loo yaqaano testestrone .
Faaiidada aynu ku qabno testestrone waxa weeyii in uu kor inoogu qaado awood ahaan iyo tayo ahaan ugxanta ragga, la’aantii lama helayo ugxan awood badan .
Hadii ay jiraan xanuuno ku dhaca xubnaha taranka ninka oo uu ka dhaxlo waalidkii ,caabuq iyo burooyin dhammaantood waxa ay hoos u dhigan tirada saxda ah ee ugxanta iyo tayadeeda.
Hababka aynu u kordhin karno si dabiici ah ugxanta ragga waxa ka mid ah :
- JIMICSI JOOGTO AH IYO HURDO KUGU FILAN.
Daraasado dhowr ah ayaa xaqiijiyey dadka miisaankoodu uu yahay dadka miisaanka culus ee loo yaqaan (obesity), maadaama miisaankoodu uu culusyahay waxa aad u yaraada testestrone , mar hadii uu hooseeyo awood ma yeelanayso ugxantii tiro ahaan iyo tayo ahaan .
- Jimicsigu waxa uu yareeyaa miisaanka ,waxa uu kor u qaadaa testestrone tayo ahaan iyo tiro ahaan waxa wanaagsanaanaysa ugxantaadi taranka .
2.KA FOGOW QIIJINTA SIGAARKA!
6000 oo ah dad sigaar cab ah ayaa la jijaabiyey tirada ugxantooda iyo awooday ku barcimin karaan ugxanta dhediga .
sigaarku waxa uu aad u yareeyaa tirada ugxanta iyo awoodeeda dhammantood waxa lagu arkay in tirada ugxantoodu aad uga yartahay intii loobaahnaa.
- fadlan ka taxadir isticmaalka sigaarka uma wanaagsana tarankaaga iyo caafimaadka sanbabkaaga.
3. KA FOGOW MAANDOORIYAHA .
Maandooriye waa daawo ama walxo la isku dardaray oo dareenkaagi feejignaanta iyo fahamka lahaa meesha ka saaray .
dhammaan cocaine ,murjiana iyo balwadaha kale ee mandooriyuhu waxa ay aad hoos ugu dhigaan samaysanka manida iyo ugxanta .
- fadlan aad uga taxadir maandooriyaha .
4. KA FOGOW DAAWOOYINKAN!
Haddii ayna jirin sabab dhab ah oo aanad u qaadanayn daawadan aad ugu fiirso way dhaawici kartaa xubnayaashaada iyo hab tarankaaga.
- daawooyinka caabuqa la tacaala ,daawooyinkan haku ceshceshan wakhtigeeda marka aad dhamaysatid waxa muhiim ah in aad joojisid kadib dhakhtarkaagi aad dib ula xidhiidho hadii wali aad isbedel anad dareemayn.
5. ISTICMAAL VITAMIN-D KUGU FILAN .
cilmi-baadhisyo badan ayaa sheegaya hadii qofku haysto vitamin-d + calcium ku filan waxa caddayn u tahay in ugxantiisuna ay tahay mid awood badan .
Hadii ay yaraato xaddiga calcium ee jidhkaaga waxa sidoo kale yaranaya tirada ugxanta.
- isticmaal calcium iyo vitamin-d.
- maalintii waxa aad qaadan kartaa vitamin d-1000iu.
- maalintii waxa aad qaadan kartaa calcium 700mg.
6. ISTICMAAL OMEGA-3.
Si ay awood u yeelato ugxantaadu dhaqdhaqaaq ahaan iyo awood ahaan waa muhiim in aad isticmaashid omega-3.
- maalintii waxa aad qaadan kartaa 1000mg.
7.ISTICMAAL VITAMIN 9 IYO ZINC.
Vitamin 9 ,12 iyo zinc waxa ay koriyaan hab difaaca ,xadiga dhiigga iyo kordhinta ugxanta.
- maalintii isticmaal hal kiniin oo vitamin ah oo ay ku jiraan vitamin9 , 12 iyo zinc.
- 9 vitamin maalintii waxa aad qaadan kartaa 400mcg.
- 12 vitamin maalntii waxa aad qaadan kartaa 2.4mcg.
- zinc maalintii waxa aad qaadan kartaa 10mg.
7 qodob waxa ay kor uqaadayaan tayada iyo awoodda ugxanta ragga.
DR MOHAMED IBRAHIM.