Month: September 2022

XANUUNADA AY KANEECADU KEENTO XILLI-ROOBAADKA.

Kaneecadu waa cayeyaan xanuun dhaliye ah ,xanuunka ayey kasoo qaadaa bukaanka waxa ay ku mudaa qofka caafimaadka qaba isna sidaas ayuu xanuunka ku qaadaa. xanuunada ay keento xilli-roobaadka waxa ka mid ah :- xanuunka duumada(malaria). xanuunka zika virus. xanuunka west nile virus. xanuunka dangue virus. Anopheles waxaa la yiraahdaa nooca dhadigga kaneecada ee keenta malaariyada ama duumada sida dadka qaarkiis …

AGOOLKA AMA TOXOBTA.

Agoolka ama Toxobta madaxa waa cudur dad badan oo dunida ku nool walaac ku hayo oo ku dhaca maqaarka madaxa ku dahran. Waana cudur inta badan qofka uu mar ku dhaca aan si buuxda uga bixin oo ku soo noqnoqda. Cudurka Agoolka oo ku dhaca noocyada maqaarka ee kala duwan waxaa cudurka keena waxa loo yaqanno Fungus ee dubka kore …

8 CALAAMADOOD OO MUUJINAYA IN FIITAMIN A- UU KAA YARYAHAY.

Aragtada indhuhu marka ay hoos udhacaan awoodda aragga , badanaa waxa loo aaneeya yaraanshiyaha Fiitamin-A. Fiitamin A jidhkeenu ma samaysto waxa uu ka helaa dhirta cagaaran ,cuntada badda iyo hilibka xoolaha. Celcelis ahaan maalintii waxa loo ogolyahay qofku in uu qaato xaddi 900-700mcg. Caruurta yaryar iyo hooyada uurka leh dhakhtar ayuunba u qori kara xadiga la siinayo. FAAIIDOOYINKA AYNU KA …

CIRID DHIIG.

Ciridka oo ku dhiiga waa xaalad nafaqo darro oo la soo daristay afkaaga. Fiitamiin-c oo ku yaraada jidhkaaga ayaa keena in qofku si fudud u cirid-dhiiggo. Xadiga fiitamin-c ee jidhkaaga marka uu yaraado saddex-bilood kadib ayey calaamadda cirid-dhiigu ay muuqataa. Fiitamin-c waxa aynu ka helnaa dhirta ,jidhkeenu ma samaysan karo. MAXAA KEENI KARA IN FIITAMIN-C UU YARAADO? Khudaarta oo qofku …

XUMADDU WAA CALAAMAD XANUUN!.

Xumaddu waa calaamad muujinaysa in difaacaagii uu la dagaalamayo caabuq jidhka soo galay . Caabuq dhaliyeyaasha sida bakteeriyada ,fayrus ka iyo ilmo aragtayda kale waxa isla ilbidhiqsigaaba dareema hab difaaceena sidaas ayuu dagaalkoodu uu ku bilaabmaa, xumaduna halkaas ayey kasoo muuqataa. Maalmihii ugu danbaysay dhulka soomalida waxa aad looga cabanayaa xumadd, lalabo iyo mantag. Walow ayna jirin research iyo warbixino …

LAAB-JEEX.

LAAB-JEEX. Hunguriga iyo caloosha waxaa udhaxeeya muruq yar kaasoo sida caadiga ah xirma ama guntima marka ay cuntadu u gudubto caloosha waxaana loo yaqaana LOWER OESOPHAGEAL SPHINECTOR. Hadii uu dabco ama uu si fiican uxirmi waayo muruqaasi, waxaa dhacda in acid iyo waxyaabaha kale ku jira caloosha ay si fudud ugu soo gudubto hunguriga taasoo sababta laabjeex. Caloosha waxa ay …