Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xumaddu waa calaamad muujinaysa in difaacaagii uu la dagaalamayo caabuq jidhka soo galay .
Caabuq dhaliyeyaasha sida bakteeriyada ,fayrus ka iyo ilmo aragtayda kale waxa isla ilbidhiqsigaaba dareema hab difaaceena sidaas ayuu dagaalkoodu uu ku bilaabmaa, xumaduna halkaas ayey kasoo muuqataa.
Maalmihii ugu danbaysay dhulka soomalida waxa aad looga cabanayaa xumadd, lalabo iyo mantag.
Walow ayna jirin research iyo warbixino laga diyaariyey xanuunka uu noqon doono hadana waa mid aad ugu sii baahaya magaalooyinka ay ka mid tahay Hargeisa.
Heerka xumadd lagu tilmaama waa marka temperature ka jidhku uu noqdo wixii kasareeya 37.5c ayaa la yidhaa xumadda jidhku way saraysaa.
Qalabka xumadda lagu cabiro waxa la yidhaa thermometer ,waxa aad muhiim u ah xilliga xumaddu ay jirto in guriga uu yaalo si hadba qofkii xumadd yeesha loogu eego , qofka xanuunsan marka lagu eego fadlan nadiifi adigoo ku nadiifinaya/masaxaya biyo diiran oo milixleh ,maro ama adiga oo isticmaalaya alcohol pads.
CALAAMADAHA XUMADDA.
- Heerka xumadda jidhka oo saraysa 37.5c / 98F.
- Muruqyada oo aad ukaaraya.
- Dhidid badan.
- Qadhqadhyo .
- Dawakhaad.
- Gariir.
Meelaha laga cabiro xumadda waxa ka mid :-
- Kilaankisha.
- Afka.
- Dhegta.
- Dabada , caruurta yaryar waa halka ugu wanaagsan in laga cabiro.
- Dhafoorka.
ISTICMAAL CABITAANO BADAN SIDA :-
- Tufaaxa, liin macaanta ,cinabka , maangaha iyo shamaamku waa cabitaanada ugu wanaagsan xilliyada ay jirto xumadda.
- Isticmaal ORZ hadii aad qaadan karay cabitaanada sharaabka .
GARIIRKA AY KEENTO XUMADDA AADKA U SARAYSA.
Xumadda aad u saraysaa waxa ay keenaysaa gariir waa calaamad aad u qatar badan oo maskaxda ku keeni karta in oxygen ay ku yaraato , fadlan hadii aad calaamadaa aad aragtid aad u ilaali hawo-mareenka ilmaha/qofka weyn si aanu naqasku ugu dhagin maadama afka uu xunbo caddaan ah uu ka keenayo .
Sida ugu degdega badan waa in goob caafimaad loo geeyo ,adigoo jidhkana usii qaboojinaya , isticmaalaya tuwaal aad qoysay.
INTA AAD GURIGA JOOGTID SIDEED HOOS UGU DHIGI KARTAA HEERKA XUMADDA?
- Isticmaal tuwaalo ,qooy kadib qofka bukaanka ah saarsaar oo ku mas-masax dhammaan jidhka .
- Udiyaari/sii kaar-jabiye4-6 sacadoodba:-
- Paracetamol,diclofenac ,ibuprofen iyo kaar jabiyeyaasha kale.
- hadba xanuun baabiiyaha aad isticmaalaysid la tasho dawoyaqaanka aad daawada kasoo gatay (dadka beer xanuunka ,dhiikarka iyo kelyo xanuunka leh aad ha uga digtoonaadan daawooyinka xanuun baabiyaha ah ee ay qaadanayaan.).
- Caruurta yaryar hadii ay leeyihiin babaasiir iyo shuban fadlan ha u isticmaalin suppository.
- Sii biyo cabitaano badan si aynu uga hortagno fuuq-bax.
- Fuuq-bax hadii uu dhaco waxa dhici karta in qofku uu bilaa awood uu noqdo fadlan gee goob caafimaad.
Latasho-dhakhtarkaaga.