CIRID DHIIG.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Ciridka oo ku dhiiga waa xaalad nafaqo darro oo la soo daristay afkaaga.

Fiitamiin-c oo ku yaraada jidhkaaga ayaa keena in qofku si fudud u cirid-dhiiggo.

Xadiga fiitamin-c ee jidhkaaga marka uu yaraado saddex-bilood kadib ayey calaamadda cirid-dhiigu ay muuqataa.

Fiitamin-c waxa aynu ka helnaa dhirta ,jidhkeenu ma samaysan karo.

MAXAA KEENI KARA IN FIITAMIN-C UU YARAADO?

  • Khudaarta oo qofku sifiican u cunin.
  • Cunto-xumada oo ay sababi karaan daawooyinka qaar sida daawooyinka kansarka.
  • Sigaar qiijinta , sigaarku waxa uu diidaa in la nuugo fiitamin-c oo uu jidhka uu galo .
  • Mukhaadaraadka oo qofku inbadan isticmaalo waxa ay ka horistaagtaa jidhka in la nuugo fiitamin-c .

Nuugidda fiitamin-c waxa looga jeeda in dhiigga la raaciyo oo jidhka la wada gaadhsiiyo .

Maalintii qofku waxa uu qaadan karaa xaddi fiitamin-c oo ah 75mg.

CALAAMADAHA LAGU GARTO IN FIITAMIN-C UU KAA YARYAHAY?

  • Cirid dhiig.
  • Daal/tabcaan.
  • Jidh-xanuun.
  • Barar lugaha iyo gacmaha ah.
  • Xanuuno afka ku dhaca sida urta ,sililyada iyo awoodda ilkaha oo hoos udhacda.
  • Nabarada/boogaha oo aan hore u bogsan.

FIITAMIINADA LALA QAATO FIITAMIN-C WAXA KA MID AH :-

  • Fiitamin-B complex oo isna ka qayb-qaata bogsashada unugyada jidhka .
  • Fiitamin-D , Zinc iyo selenium oo iyaguna hab-difaaca kor u qaada.

CUNTOOYINKA LAGA HELO FIITAMIN-C .

  • Liin-macaanta.
  • Liin-dhanaanta .
  • Liin-qarbooshta.
  • Yaan-yada/xabuubta.

Daawada paradentax waa daawo lagu cadaydo oo kaa caawinaysa in cirid dhiiga aad ka bogsatid .