Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Aragtada indhuhu marka ay hoos udhacaan awoodda aragga , badanaa waxa loo aaneeya yaraanshiyaha Fiitamin-A.
Fiitamin A jidhkeenu ma samaysto waxa uu ka helaa dhirta cagaaran ,cuntada badda iyo hilibka xoolaha.
Celcelis ahaan maalintii waxa loo ogolyahay qofku in uu qaato xaddi 900-700mcg.
Caruurta yaryar iyo hooyada uurka leh dhakhtar ayuunba u qori kara xadiga la siinayo.
FAAIIDOOYINKA AYNU KA HELNO FIITAMIN-A .
- Aragtida indhaha oo uu ka difaaco dhibta soo gaadhaysa qaybta ratina-naha sidoo kale awood ayuu siinayaa aragtida.
- Waxa uu ka hortagaa kansarada qaarkood.
- Quruxda maqaarka kor ayuu u qaadaa ,waxa uu ka hortagaa finanka.
- Awoodda lafaha kor ayuu u qaadaa.
- Caafimaadka xubnaha taranka ayuu kor uqaada.
- Koritaanka qofka ayuu ka saacidaa.
8 CALAAMADOOD OO MUUJINAYA IN FIITAMIN-A UU KAA YARYAHAY.
- Maqaarka oo marwalba ku qalalsan .
- Indhaha oo bilaa illin ah.
- Aragtida habeenki oo aanad sifiican wax u arag.
- Dhalmo la’aan.
- Cunaha iyo laabta oo caabuq aad kuyeelato.
- Nabarada iyo jugaha oo aan hore kuu bogsan .
- Finan iyo boogo kasoo baxa maqaarka.
Haddii aad calaamadahan aad isku aragtid fadlan la xidhiidh dhakhtar .
MAHADSANIDINL