Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Iligga oo burbura/suus waa dhibaatooyin la soo darsaya hadda dadka waawaeyn iyo caruurta yaryar.
Iliggu in uu burburo waxa sabab u ah bakteriyada afka iyada oo ay sahlayaan cuntooyinka iyo cabitaanada isku xigxiga ee afkeena ku hadhaya.
Kaliya cuntooyinkaas ma sababan waxa jiro qodobo kale oo sahlaya in iliggu uu burburo.
Haddii aan la daaweyn waxa ay saameynaysaa saddexda lakab ee iliga ee loo-kale yaqaano :-
- enamel – lakabka ugu sareeya iligga.
- dentin- lakabka labaad ee iligga.
- pulp- lakabka u hooseeya iligga ee ay ku xidhan yihiin dareen-wadka iyo xididada dhiigga.
Haddii la daaweyn waayo iligga saddexdan lakab ayaa dhaawacma .
qodobada waxa ka mid ah :-
1.ILKAHA OO SIFIICAN LOO CADAYIN.
Dhaawaca iligga gaadhaa waxa uu ka bilaabmaa qofka oo sifiican u cadayin ilkaha cuntada iyo cabitaan sonkor badan lehna isticmaalaya.
Cadayga oo kaliya kuma caawinayo in ilkahaagu nadiif ay noqdaan waxa muhiim ah in aad isticmaashid daawada afka lagu nadiifiyo(colgate) iyo ta lagu maydho afka(mouthwash).
2. CUNTOOYINKA FUDUD EE SONKORTA BADAN.
Cuntooyinka sonkorta badan iyo cabitaanad sonkortu ku badan tahay waxa ay kordhiyaan aysiidha soo saarideeda ,aysiidhaas waxa ay burburisaa ilkaha .
Mac-macaanka badan iyo bakteriyada afka kunool aad ayey saaxiibo u yihiin waa sababta sifudud iliggu uu burburo .
fadlan iska jooji mac-macaanka badan .
3. ILIGGU HALKA UU KU YAALO.
Iliggu halka uu kuyaalo waa ay usahlantahay xanuunada ilkaha ku dhaca.
Gawsaha ayaa ah halka ugu nugul ee xanuun uu sifudud uu ugu dhici karo .
aad u nadiifi gawsaha iyo ilkaha danbe taas waxa ay ka hortagi kartaa suuska iyo xanuunada kale ee ilkaha ku dhaca.
4. AFKA QALALAN.
Afka oo ay kayartahay qandhuuftu waa mid u sahlaya in bakteriya badan ay burburiso ilkaha.
Qandhuuftu waxa ay ka caawisaa afka ka hortagga xanuunada ,qashin saarka cuntooyinka ku hadhhadha ilkaha dhexdooda iyo sidoo kale in ay yarayso aysiidha ay soo daynayso bakteriyada afka kunool.
biyo badan isticmaal hadii aad leedahay af-qalayl badan.
5. XANUUNKA GASTARIGA.
Marwalba oo aad qabtid xanuunka ku dhaca albaabka hunguriga iyo caloosha u dhexeeya waxa sahlanaanaysa in aysiidha calooshu ay soo baxdo hurguriga ilaa afka ,taas oo sifudud u dhaawici karta ilkahaaga .
Hadaad leeadahay gastari fadlan iska daawee ,booqo dhakhtar .
6.BUUXINTA DUUGOOWDAY EE ILAKAHA.
Buuxinta ilkaha ee duugowday waxa ay sababi kartaa in hoosta suus uu ka galo iligga xididkiisa taasna ay sababto in iliggu si fudud uu u burburo.
MAHADSANID.
KU XIDHNOW DHAKHTARKA AFKA IYO ILKAHA SI AAD ULA SOCOTO BAD-QABKA IYO CAAFIMAAKA ILKAHA.
Mahadsanidin.