Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Agoolka ama Toxobta madaxa waa cudur dad badan oo dunida ku nool walaac ku hayo oo ku dhaca maqaarka madaxa ku dahran. Waana cudur inta badan qofka uu mar ku dhaca aan si buuxda uga bixin oo ku soo noqnoqda.
Cudurka Agoolka oo ku dhaca noocyada maqaarka ee kala duwan waxaa cudurka keena waxa loo yaqanno Fungus ee dubka kore ee maqaarka cunta ka radsado sidaana cudurka ku keena.
Dadka uu cudurkan haleelo seddex meelood meel waxaa ku adkaata iney si buuxda uga bogsadaan.
Cudurka Agoolka oo ah bulshooyinka caalamka ay dhibaato kala kulmaan qofka cudurkaasi uu ku dhaco wuxuu la kulmaa takoor bulsho iyo inuu ka xishoodo bulshada inuu dhex galo.
Siyaabaha Agoolka loola tacaalo
Dad badan uu agoolka ku dhacay waxay sheegaan iney ka go’een goobaha ay dadku isugu yimaaddaan iyo dhex galka bulshada maadaamaa ay dareemayaan in la arkayo agoolka timahooda ka daadanayo oo mararka qaarna cuncunka ku keena.
Balse khubarada caafimaadku waxay dadkaasi kula talinayaan ineysan baqin maadaamaa ay jirin waddooyin badan oo Agoolka lagula tacaalo Toxobta madaxa ama Agoolka.
Fungus keena Agoolka wuxuu ka dhashaa maaddada loo yaqanno Malesezia globosa. Fungus-kana wuxuu nuugaa saliidda maqaarka oo ay timuhu ka heleen nafaqada kaddibna qofka waxaa u billaabmaya cuncun aad u daran oo mararka qaarna txoxob ay ka soo fuqdo.
Xilliga qofka Agoolka qaba uu feeranaya waxaa ka soo daata toxob midab caddaan ah leh oo laga dareemo saqafta/shanlada qofka uu ku shanleysto iyo qoorta dharka uu xiran yahay.
Dadka qaarna cudurkaasi waxaa ku keena maqaarka ku dahran madaxa oo engaga ama saliid la’aan darteed qalleel noqda.
Waxaana cudurkaa uga sii dara arrimaha ka dhasha isbeddelka cimilada sida boorka badan ee dhacaya balse fallaaraha cadceedda si weyn ayey cudurkaasi ula dagaallamaan.
Khubarada caafimaadkuna waxay sheegaan xilliyada uu boorka badan jiro ama qorraxda ay kulushahay iney habbooneyn in qofka uu Agoolka hayo uu saliid marsado.
Fungus Malassezia wuxuu nuugaa salidda dabiiciga ah ee ku jirta timaha iyo maqaarka.
Dhaqitaanka timaha oo uu qofku badsado isaga oo hadba la soconayo cimilada iyo sida ay tahay waxtar badan ayey u yeelaneysaa ciribtirka cudurkaasi.
Waxaana jiro kiimiko iyo dawooyin loo kaashan karo ciribtirka Agoolka oo baab’inayo Funguska cudurka keena. Waxaana ugu horreeya saabuunta dareeraha ah (Shampoo) looga talagalay ka hortagga Agoolka oo ay ku jirto maaddada Ketoconazole.
Shampoo-ga looga hortago Fungal
Inkasta oo ay dhici karto waxtarka Shampoo-yada looga hortago Fungal oo loo isticmaalo daweynta Agoolka ama Toxobta madaxa haddana waxaa qofka lagula talinaya inuu si joogta ah u isticmaalo ilaa uu ka ogaanayo inuu cudurka uu ka baxay uuna ka caajisan isticmaalkiisa.
Shamboo-yada dhuxusha ka sameysan waxay hoos u dhigi karaan isbeddelka ku yimaadda maqaarka. Sida oo kale Shampoo-yada ay ku jiraan maaddooyinka Salicylic acid waxay ka hortagayaan jajabka timaha ku yimaadda ee ka dhashay Agoolka ama Toxobta madaxa.
Shamboo-yada kale uu isticmaali karo oo lagula talinaya qofka agoolka qaba waxaa ka mid ah kuwa ay ku jiraan maadooyinka Zinc ama Selenium.
Cilmi-baadhayaashuna waxay ku holwan yihiin sidi ay u heli lahaayeen dawooyin la isku halleyn karo oo si buuxda uga takhalusi karo cudurka Agoolka.
Sida ku habboon ee aad Agoolka ama Toxobta ula tacaali kartid
Agoolka ama Toxobta madaxa waa xaalad iska caadi ah oo ay dadku badankood la kulmaan.
Xanuunku marka uu qofku si aad uu u saameeyo astaamahiisa waxay ka soo muuqata timaha dushooda iyo qofka marka uu shanleysto oo wax cad timahiisa ka soo daatan kaddibna qoorta iyo garbaha dharka uu xiran yahay lagu arko.
Xaaladdu markey heerkaasi gaarto waa marka uu Maqaarka ku daharan madaxa inta ay timuhu ka baxaan oo qallalay wuxuuna qofka sida oo kale uu dareemayaa cuncun badan.
Haddaba qofka maxaa la gudboon
Xalka ugu fudud ee cudurka Agoolka ama Toxobta looga hortagi karo waxay tahay inuu qofku isticmaalo Shampoo-yada looga tala galay ka hortagga cudurkaasi. Iyada oo noocyada badan oo Shampoo ah oo looga talagalay suuqa laga helayo.
Balse Shampoo-ga qofka uu isticmaalayo waa inuu hubiyo iney maaddooyinkan ka sameysan yihiin ama ku jiraan sida:
zinc pyrithione, salicylic acid, selenium sulfide, ketoconazole iyo coal tar.
Agoolka qofka hayo haddii uu yahay mid daran oo qofka si fudud uu uga bogsan waxaa wanaagsan inuu qofku muddo bil ah uu wado inuu Shampoo-ga uu madaxa ku dhaqo.
Qofku haddii uu nooc Shampoo ah oo uu isticmaalay uu isbeddel badan uu ka waayana waa inuu nooc kale oo ka fiican raadiyaa.
Maxaa keena Agoolka ama Toxobta
Agoolka ama Toxobta qofba sida uu u yaqaanno sida aan horay u soo sheegnayba waa cudur ku dhaca maqaarka ku dahran madaxa gaar ahaanna inta ay timaha madaxa ka baxaan.
Khubarada caafimaadka maqaarkana waxay isku waafaqeen inuu cudurkaasi badankii uu ka yimaaddo nadaafad darrada gaar ahaanna haddii uu qofka ku dadaali waayo nafdaafadda timahiisa.
Waxaana cuncunka Agoolka aad u sii kordhiya cadaadiska ka dhasha cimilada qaboow.
Mahadsanidin.
xigasho