Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Kaneecadu waa cayeyaan xanuun dhaliye ah ,xanuunka ayey kasoo qaadaa bukaanka waxa ay ku mudaa qofka caafimaadka qaba isna sidaas ayuu xanuunka ku qaadaa.
xanuunada ay keento xilli-roobaadka waxa ka mid ah :-
- xanuunka duumada(malaria).
- xanuunka zika virus.
- xanuunka west nile virus.
- xanuunka dangue virus.
Anopheles waxaa la yiraahdaa nooca dhadigga kaneecada ee keenta malaariyada ama duumada sida dadka qaarkiis ay u yaqaanaan!.
Anopheles waxaa la yiraahdaa nooca dhadigga kaneecada ee keenta malaariyada ama duumada sida dadka qaarkiis ay u yaqaanaan!
Waa maxay duumadu ama malaariyada?
Duumadu waa cudur ay keento kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Waxay keentaa qando, ama xumad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, Matag iyo calaamado kale oo badan. Noolaha keena xanuunka kaneecada ayaa raaca dhiigga, wuxuna tagaa beerka si uu ugu tarmo.
Marku ay ka soo baxaan beerka ayay dib ugu soo taabtaan dhiigga si ay cudurka u bilaabaan laba todobaad ka dib. Noocyo ka mid ah kaneecada ayaa ku jiri kara beerka muddo aad u dheer.
-Maxay malaariyadu u tahay cudur halis ah?
-Ma jiro talaal lagaga hortago malaariyada.
-Waxay sababtaa duumadu xanuun xun oo keeni kara dhimasho.
-Waxay kugu dili kartaa 12 saac gudohood.
-Waxa lagama maarmaan ah in aad ka hortag sameysid, iska ilaalisid qaniinka kaneecada isla markaasna aad liqdid dawada ka hortagga malaariyada.
waa maxay xanuunka zika virus?
zika virus waa mid kamid ah qoyska fayrasyada loo yaqaano Flaviviridae.
waxa gudbisa kaneecada loo yaqaano aedes mosquitoes oo caan ku ah maalintii inay dadka ay qaniinto.
waa maxay xanuunka west nile virus?
waa RNA fayrus waxa ay isku qoysyihiin zika virus(flavivirid) ,waxa uu sababa xumad darran oo loo yaqaano west nile fever ,waxa gudbisa kaneecada.
XANUUNKA DANGUE VIRUS.
Xumadda uu sababo dangue virus waa xumad ay wajahayaan badanaa dadka soomaalidu hadda oo fayrus ku uu ka dilaacay.
Calaamadaha lagu garto waxa ka mid ah :
- xumad aad u saraysa .
- yalaalugo/lalabo ama mantag.
- dhiig sanka iyo dibnaha.
- kaadi-dhiig,mantag dhiig wata iyo saxarada oo dhiig leh.
- hawo-qabatin.
- degenaanshiyo la’aan.
YAA U HALIS AH XANUUNADA AY KEENTO KANEECADU?
-Dadka safarka ah.
-Goobaha biyuhu ay ku badanyihiin dadka ku nool sida wabiyada iyo biyo fadhiisinka leh.
-Dadka dharka gaagaaban xidha.
KA HORTAGGA XANUUNADA KANEECADU AY KEENTO.
Ka hortagga xanuunada kaneecada ama kaneecada qaniinkeedu wuxu kaa badbaadiyaa duumada iyo cudurada kale ee ay keento kaneeco sida- yellow fever, cudurka maskaxda loo yaqaan “Japanese encephalitis” iyo xumadda dengue. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan.
Samee arrimahan ka hortagga ah.
-Haddii aad safar galaysid wadamada ay xanuunadan ku badan yihiin waa muhiim in aad la tashatid dhakhtarkaaga si uu kuu siiyo daawooyinka ka hortagga loo isticmaalo.
-Marso creams si aad uga fogaato qaniinyada kaneecada.
– Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, qaboojiyaha guryaha wuxu eryaa kaneecada.
– Seexo guri ku leh shebeg dariishadaha ama daaqadaha.
– Seexo sariir leh mara kaneeco.
– Waxa jira mara kaneeco leh maadad disha kaneecada.
– Waxad adigu ku buufin kartaa marada kaneecadda dawooyin sida PERMETHRIN.
Haddii aad isku aragtid calaamadaha xumadda ,hore u aad goob caafimaad si lagaaga badbaadiyo fuuqbaxa sidoo kale loo yareeyo xanuunka jidhkaaga.
Haddii aad isku aragtid in aad dhiig-bax uu jiro ama dhiig soo raacayo saxaradaada,mantagga iyo kaadida ,fadlan goob caafimaad hore u gaadh.
Haddaad isku aragtid qodobadan adiga oo ay xumaddu kugu dhacday :-
- Mantag aad u badan .
- Awood la’aan.
Waxa aad muhiim u ah inaad goob caafimaad aad aadid si xididka faleenbooyin lagaa siiyo si macdanaha lumay dib loogu soo celiyo.
MAHADSANIDIN.