Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
CUNTOOYINKEE AYAA MUHIIM AH XILLIGA AY JIRTO XUMADDA DENGUE FEVER?
Maadaama xumaddan ay keenayso fuuq-bax ,awood la’aan iyo tabcaan aad u daran waxa muhiim ah in qofku uu isticmaalo cuntooyin awood siinaya kana hortagaya fuuq-baxa .
Cuntooyinka aad qaadan kartid xilliga xumaddu ay jirto waxa ka mid ah :-
– Toonta.
– Gallayda.
– Hadhuudhka.
– Canbe-babaay.
– Beedka.
– Liin-macaan.
– Liin-qarboosh.
– Koostada caleenta.
– Digirta.
– Caanaha.
– Basasha.
– Tufaaxa.
– Cinabka.
Cuntooyinkan dhammaantood waxa ay kor uqaadan xinjirowga dhiigga.
Waa muhiim in aad isticmaashid xilliga ay xumaddu ay jirto.
– Haddii aad isku aragtid mantag iyo lalabo/yalaalugo fadlan la xidhiidh dhakhtarkaaga .
– Haddii aad gastric aad leedahay waa muhiim in aad ka taxadirtid cuntooyinka kugu kicinaya.
FADLAN CABBITAANKA BADSO SI AANAD U FUUQ-BIXIN .