CUNIDDA CINABKA IYO CAAFIMAADKA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Cinabka oo ka mid ah cuntooyinka xilliga xagaaga soo go’da ee si isku mid ah ay carruurta iyo waayeelkuba u jecel yihiin ayaa ay xeeldheerayaasha caafimaadku caddeeyeen in uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan. 

Waxa kale oo uu waxtar la taaban karo u leyahay caafimadka dheefshiidka, araga iyo indHaha.

Cunista cinabka oo la joogteyaa waxa ay ka hortag u tahay cuduro badan oo ay kamid yihiin in uu dib udhigo in uu muuujiyo gabowga.

Cinabka waxaa ku jira maaddo lagu magacaabo “Resveratrol” oo yaraysa heerka isku dhisyada asiidhada amino ee maskaxda ee loo yaqaanno Peptides oo haddii ay hoos u dhacaan khatar ku ah caafimaadka maskaxda. Waxa kale oo uu uu waxtar la taaban karo u leeyahay caafimaad dheefshiidka, indhaha iyo aragga, in uu yareeyo xaaladaha ka dhasha xiiqda. in uu hoos u dhigo heerka dufanka dhiigga ku jira, in uu yareeyo asiidhka kaadida, taasina ay aad u caawiso habsami u shaqaynta kelyaha, maadaama oo asiidhka kaadidu kelyaha ku badiyo culayska shaqo.

Cinabka cunistiisa oo la joogteeyaa waxa ay ka hortag u tahay cudurro badan oo ay ka mid yihiin, in uu dib dhigo calaamadaha muujiya gabowga, waxa aanu jidhka ka caawiyaa iska difaacidda cudurrada da’da ku lammaan, waxa kale oo uu cinabku ka hortag u yahay calool istaagga, timaha oo uu quwad u sameeyo kana ilaaliyo daadashada, cirrada oo uu hor istaago, maqaarka (Jidhka) oo uu u sameeyo dhalaal dabiici ah, kana daweeyo booga madow ee ku samaysma, lafaha gaar ahaan kuwa dumarka oo uu ka ilaaliyo burburka, xaaladdan oo aad ugu badan dumarka.