QUMAN/QANJO BARAR/DHEGO-FIDIYE.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

 Dhego-fidiye waa cudur ku dhaca badanaa caruurta, dadka waawayne wuu ku dhacaa.
Xanuunka wuxuu ku dhacaa qanjirka lagu magacaabo “Parotid Gland”, qanjirkaan wuxuu ka mid yahay qanjirrada soo daayo ama soo saaro calyada, taasoo muhiim u ah calaajinta cunnada.

Waxaa keeno jeermiska feyraska ee loo yaqaano “Mumps”, isla magacaas ayaana afka qalaad lagu dhahaa, dad badan oo bulshada ka mid ah ayaa aaminsan in qaamo-qashiirka laga qaado waxyaabo kale sida cunno afka meel ka gashay ama meel wasakh ah oo candhuuf lagu tufo, taasina waxba kama jirto.

Calaamadaha qaamo-qashiirka waxaa ka mid ah:

  • Barar iyo xanuun markii wax la calaanjinayo (bararka wuxuu noqon karaa hal dhinac laakiin wuxuu u badanyahay in labada qanjir ay bararaan)
  • Qandho
  • Madax xanuun
  • Xanuun xiniinyaha ah (Orchitis) oo isla feyraska qaamo-qashiirka ayaa keeno caabuq xaniinyaha)
  • Afqaleel, Dhego-xanuun iyo in Codka uu xirmo.

Boqolkiiba 20% ilmaha ku dhaco quman bararka wax calaamado ah ma yeeshaan waxayna halis leedahay in cudurka uu ku faafiyo caruur kale iyadoo aan laga warqabin, si dhakhso ah ayaana lagu kala qaadaa. wadamada qaar waa la iska tallaalaa qaamo-qashiirka.

Markii cudurka caruurta ku soo socdo waxaa lagu fahmaa qandho, madax xanuun, cunno xumo iyo tabardarri. Badanaa cudurka wax baaritaan ah laguma sameeyo oo waxaa lagu gartaa muuqaalka iyo calaamadahiisa.

Waa xanuun ay isku gudbin karaan caruurta meel kuwada nool,marka qofka bukaanka ah qufaco ama uu hindhiso.

markii caruurta ku dhaco cudurkaan waxay ku gudbin karaan muddo 2 isbuuc ah gudaheeda.

Qaamo-qashiirka malahan daawo u gooni ah waxaa loo isticmaalaa daawo kaalmaati ah sida qandho jabis, in biyo iyo cusbo lagu luqluqdo iyo cabitaan badan si aan loo fuuq bixin.
Soomaalida qaar ayaa aaminsan in la gubo laakin wax jira ma ahan, badanaa cudurada uu fayrasku keeno way iska baaba’aan mudo ka dib, wax daawo ah looma qaato.
Ilmaha waa in aan la siinin furuutka iyo waxyaabaha aashitada leh inta xanuunka hayo maadaama waxyaabahaas ay kiciyaan qanjirrada calyada taasoo xanuunka uga sii dari karta.

quman bararku waa cudur iska baaba’a maadaama fayras uu keeno, taasi waxay keentay waxyaabo badan oo soomaalidu kula tacaasho in loo saariyo inay iyagu sabab u yihiin ka raaysashada xanuunkaan, laakiin taasi sax maahan oo xanuunka muddo kooban ayuu qofka hayaa, wuuna ka tagaa haddii la gubo ama la kubbeeyo ama bur la mariyo.

quman bararka waxaa looga hortagi karaa tallaal loogu tala galay oo la siiyo caruurta.