IRON-TU HADDI AY HOOSAYSO ISBEDELLO NOOCEE AH AYAA KU IMANAYA CAAFIMAADKA JIDHKAAGA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Iron-tu waa macdan aad muhiim ugu ah samaysanka unugyada cascas ee dhiigga .

xaddiga dhiigga korodhkiisa waxa ugu weyn ee ku xidhan waa macdanta iron.

Dhiigaagu waxa uu u baahanyahay iron si loo sameeyo hemoglobin ,hemoglobin waa protein inoo xanbaara maadada oxygen taas oo dhex marayasa xididada dhiigga qaada.

Haddii aanu jidhkaagu aanu haysan hemoglobin ku filan unugyadaadu ma helayaan oxygen ku filan.

Caadi ahaan inta laga rabo qofka macdanta iron 60 to 170 micrograms per deciliter (mcg/dL).

CALAAMADAHA LAGU GARTO QOFKA MARKA AY HOOSAYSO MACDANTA IRON WAXA KA MID AH :-

  1. Dawakhaad badan.

Dawakhaaddu waa astaanta muujinaysa in iron tu qofka ay ka yartahay ,unugyada oo aan gaadhayn oxygen ku filan taas ayaa keenaysa in dawakhaad badan uu qofku uudareemo xilliyada uu soo tooso ,duhurki iyo xilliyadaha salaadaha.

2. Midabka maqaarka oo is bedela.

Indhaha baadka hoose oo cadaata, timaha oo cawlaan noqda, baabocooyinka oo caddaan noqda waa calaamadaha muujinaya in IRON tu ay ka yartahay jidhkaaga.

3. Neef-qabatow.

Neef qabatowga hawo qaadashada oo qofka ku adkaata waa marka xaddiga iron tu ay yaraato kadib uu hoos u dhaco xaddiga dhiigga unugyadii ma gaadhayaan dhiig ku filan .

4. Madax-xanuun saaid ah.

5. Qaraaca wadnaha oo saaid qofka u qaraaca.

marka ay yartahay macdanta iron unugyada cascas awood u ma yeelanayaan inay oxygen xanbaaraan ,wadnuhu ma helayo dhiig tayo leh taas ayaa keenaysa in uu saaid wadnuhu u qaraacmo qofka .

6. Timaha oo qalala .

Timaha oo midabkoodu uu katago sidoo kale qalayl badan iyo jajab yeesha waa marka dhiig oxygen tu ay kuyartahay ,majirto nafaqo dhiigga kasoo gaadhaysa kadib cawlaan ayey noqonayaan jiridda timuhu kasoo baxayaan ayaa noqonysa mid bilaa nafaqo ah sidaad ayey timihii ku qalalayaan bilaa nafaqo ahna ku noqonayaan.

8. Ciddiyaha.

Ciddiyo cad-cad iyo ciddiyo sida buulka oo kale u samaysan waxa aymuujinaysaa in iron tu ay yartahay.

SIDEE LOO XAQIIJIYAA IRON TU IN AY YARTAHAY AMA AY BADANTAHAY?

Waxa lagu xaqiijiyaa shaybaadh .

DAAWEYN.

Badanaa qofka waxa ay dhakhaatiirtu udaaweysaa laba mid :

  • sharoobooyin ay ku badantahay maadada iron ayaa la siiyaah.
  • cuntooyinka iron tu ku badantahay sida beerka ,beedka iyo kelayaha ayaa ah cuntooyinka ugu badan ee laga helo iron xadigeedu badanyahay.
  • khudaarta oo qofka lagula taliyo.

Haddii aad xaaladdan la nooshahay waa muhiim in aad la tashatid dhakhtarkaaga .

Nala tasho.