Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Collagen waxa ay masuul ka tahay muuqaalka maqaarkaaga,jilicsanaantiisa,kale baxsanaanta,awoodiisa iyo marka lakale jiido halkiisa in uu kusoo noqdo.
Waa maaddo muhiim u ah maqaarka iyo badqabkiisa.
collagen waa protein waana qurubka ugu yar uguna faaiidoda badan ee uu ka samaysan yahay maqaarkeenu.
Meelaha kale ee laga helo waxa ka mid ah lafaha iyo seedaha.
Collagen way ku yaraataa maqaarkeena sanadba sanadka ka danbeeya maadama da’deenu ay kordhayso ,hoos u dhaca collagen waxa ay kor uqaadaa gabowga iyo in maqaarku uu is bedelo .
Maxaa dhaawici kara collagen?
Collagen waxa burburin kara falaadhaha cadceedda,da’da,sonkorta badan,fikirka bada,balwadaha sida sigaarka & fikirka badan.
CALAAMADAHA LAGU GARTO IN COLLAGEN KA YARTAHAY MAQAARKA.
- Timaha oo qafiifa.
- Maqaarka oo coodh-coodh badan lagu arko .
- Lafaha oo jilicsanaada.
- Kaarbadan oo kale goysyada ah lugaha iyo gacmaha .
SIYAABAHA KOR LOOGU QAADI KARO MAADADA COLLAGEN.
- Cadceedda falaadheheeda oo aad yaraysid siyaabaha lagu yarayn karo waxa ka mid ah :- a) adigoo isticmaala creamka cadceedda . b) Xilliyada cad-ceeddu kulushahay sida duhurkii ,barqada iyo galabtii oo aad ka nasato , hadii aad baxaysid waa in aad isticmaashid shay ka celinaya cadcedda sida tallaayad .
- Cunto dheeli tiran isticmaal.
- Daawooyinka kor loogu qaado collagen sida :- _ kiniinka collagen oo malintii qofku uu qaadan karo 2.5g —15g hadba baahida qofku uu qabo . xasuusnow dhakhtar ama daawo yaqaan in aad kale tashatid.
- Boomaatooyinka collagen ama kiriimyada collagen ay kujirto oo qofku uu marsado.
Marwalba oo aad isticmaalaysid daawooyinka collagen fadlan la tasho dhakhtarkaaga maqaarka.
mahadsanid .
Nala -tasho .