Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Khubarada caafimaadku waxa ay ka digaan inta badan dhibaatooyinka caafimaad ee ay leeyihiin walxaha farsamaysan ee cuntooyinka lagu darsado.
Maraq digaagga aad ayay Soomaalidu u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaanna loogu yeelo, shirkadaha sameeya maraq digaagga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: “Maggi”, “Oxo” “Jumbo”, “Knorr” iyo “CalNort”.
Talow Ma Isweydiisay, Muxuu Maraq Digaaggu Ka Samaysan Yahay? Muxuuse Dhibaato Leeyahay?
Xaqiiqada ugu horraysaa waxay tahay in aan maraq digaagga laga samaynin “Maraq Digaag”, taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin kara waxaana ka mid ah:
-Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaggu uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.
-Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano “Trans Fat” oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha ay xidho.
-“MSG”: Maadadani waa waxa ugu khatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa “slow killing poison” oo macnaheedu yahay “suntii sida aayarka ah wax u dilaysay”, cilmibaadhisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan “MSG” oo maraq digaaga ka buuxda waxaa la ogaaday inay keento cudurka Lafo xanuunka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska “Ulcer”, Beer xanuunka, Illowga/Foojignaan la’aanta iyo xanuuno loo yaqaano “Fibromyalgia” oo Soomalida ku soo badanaya sannadahaan dambe. MSG waxaa laga soo gaabiyay “Monosodium Glutamate”
-Lafo Digaag: Markii shirkadda “Maggi” ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la ridqay ama hilib la ridqay, waxaana la odhan jiray wuxuu galayaa baddalka digaaga ama hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayadan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.
Waxay cilmibaadhayaashu ku taliyaan in baddalka maraq digaaggan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku udgoonaysiisan kartid suugadaada sidii awalba ay Soomaalidu taqaanay, kabsar caleenta, toonta, filfisha, xawaashka iyo wixii la mid ah.
Xigasho by fore .