SI DABIICI AH ISKAGA DAWEE QUFACA .

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Hadii aanad haysan dawooyinka loo lagu daweeyo qufaca ee sharoobo ah ama kiniin la qaato waxaad isticmaali kartaa waxyaabo fudud oo aad gurigaga ka helayso. Waa waxyaabo dabiici ah oo laga helayo guriga.

1- Malabka

Malabku waxa uu u wanagsan yahay qufaca gar ahaan kisa qalalan. Cilmi baadhis la sameyay oo la is barbar dhigayay dawoyinka qufac baabiyaha iyo malabka ayaa natiijadii soo baxday noqotay in malabku kaga fican yahay dawaynta qufaca.

Fiiro gaara: malabka lama siin karo caruurta ka yar 1 sano, wayo wali dheefshiidkodu awood uma laha in uu malabka dheefsheedo. Qaar koodna Elarji(Allergy) ayaa ay ka qaadaan.

2- Sinjibiilka: sinjibiilku waxa uu ka mid yahay geedaha aynu soomali aahan aad u isticmaalno oo qofkasta oo inaga mid ahi waa garanaya ama waa soo isticmaalay. Waxa uu ka mid yahay waxyabaha daweeya qufaca.

Fiiro gara: waxa uu dadka qaar ku keenaa laabjeex iyo calool xanuun.

3- Cuntoyin kulul: isticmaalka cuntooyinka la kulayliyay ayaa iyana qayb ka ah dawaynta qufaca. Marka aynu leenahay cunto kulul waxaynu u jeednaa in cuntada lagu daro waxyabaha kulkul sida qajida iyo filfisha.

4- Is Uumin: waxyabaha durayga dawada ka ah waxaa ka mida in qofku isku uumiyo biyo la kuleeyay oo aan jidhkisa gubayn. Uumigaas ayuu qofku kor ugu neefsanayaa taasina waxay ka caawinaysa in dhamaan neef mareenadu ay furfurmaan oo aanay hawo qalalin sankisa iyo sambabka inta u dhexaysa anay marin. Hawada qalalan waa ta sababaysa in qofku qufac badan yeesho.

5- Biyo milix leh: waxaad soo qadataa qaado(Mulqaacad) badhkeed oo milix waxaad ku daraysaa biyo diiran kadibna waad isku walaqaysaa. Waad ku luq luqanaysaa kadibna waad tufaysaa. Waxay kaa caawin doontaa in qufuca kaa istaago. Insha Allah

6- Iska yaree cuntooyinka saliida leh, kuwa dufanka badan leh iyo kuwa gaaska kiciya waayo dhamaantood waxay keenan qufac waliba u badan xiliga habeenki

7- Hadii aad leedahay qufac joogto ah oo habeenki u badan, aanad qaadato dawooyinka dhikarka la xidhidh dhakhtarkaaga waayo dayowinka loo qaato dhiikarka qarkood ayaa keena qufac qalalan oo habeekii u badan.

Hadii aad itaas oo dhan samayso amase qayb kamida walina aanad helin wax isbadal ah la xidhiidh dhakhtarkaaga si aad u qaadato dawooyin, xaladadna loo hubsado, loona baadho sababaha keeni kara qufaca.

Dr. Garuun