FAAIIDO OO QURAAN AKHRISKA AAD KA HELAYSID.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Faaiidooyinka aynu ka helno quraan akhriska waa faaiidooyin caafimaad oo aan la sinayn faaiidooyinka kale ee aynu helno.

Naf ahaan waxa aynu dareemaynaa xasilooni iyo degenaan ,dhamaan xubnayaashu waxa ay helayaan xasilooni iyo degenaan.

Qofba qofkuu ka akhris badan yahay quraanka waxa u waarta maskax furnaan iyo in uu ka dheeraado xanuunka asaasaqa.

Faaiidooyinka caafimaad ee aynu ka helno akhrinta quraanka inaga oo soo koobi karin waxa ka mid ah:-

  • FIKIRKA ,WERWER KA BADAN AYUU DAAWO KA YAHAY.

Hadii fikir ,werwer iyo cabsi ay ku hayso akhri quraanka ama dhagayso waxa aad ka helaysaa xasilooni badan iyo degenaan.

  • HADII AY KULASOO DARISTO XAALAD CAAFIMAAD DARRO OO WADNAHA AH DEGDEG QURAAN U AKHRI AMA DHAGAYSO.

Quraanku waxa uu daaweeyaa wadne-qaraaca degdega ah ee ay keenaan xaaladaha qaar.

Marka aad quraanka aad akhridid waxa aad dareemaysaa in wadnaha aadka kuu qaraacmayaa uu hoos usoo dego xasiloonida iyo degenaanta aad ku dareemayso awgii.