Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Dahaadhka sare ee isha ayaa ah ilin,ilintu isha waxa ay u tahay difaac ,ilin ayaa ay soo daayaan qanjidhada indhaha ku hareeraysan si ay u ilaaliyaan isha qoyaankeeda.
Dadka qaar ayaa helin ilin isha u ilaalisa qoyaanka ,si fudud uma dareemayaan raaxada araga.
Maxaa sababa indho-qalaylka?
- Da’da – ragga iyo dumarka way kukale badan yihiin ,waxa badan dumarka wakhtiga ay dhalmada ay joojiyaan.
- Qofka uu ka yaryahay vitamin-A.
Xaaladaha kale ee keeni kara waxa ka mid ah:-
- Xanuunka roomatiisamka.
- Xanuunka macaanka.
- Uurka.
- Daawooyinka sida ,daawada kale-korinta ilmaha,kaadi-badiyeyaasha,daawooyinka wadnaha,daawooyinka boogta-gaaska.
CALAAMADAHAN HADII AAD ISKU ARAGTID INDHO-QALAYL AYAAD QABTAH.
- Indho-olol.
- Indho-cassaan.
- Xafajo badan markaad sootoosto kadib.
- Iftiinka badan ee qoraxda iyo shaashahada oo ku dhiba.
SI LOO XAQIIJIYO XAALADAN FADLAN BOOQO DHAKHTARKA INDHAHA.
SIDEE AYAAD UGA HORTAGI KARTAA INDHO-QALAYLKA?
- Indhahaaga ka fogee waxwalba oo dhaawici kara.
- Qaado-cuntooyin nafaqo leh oo laga heli-karo (omega-3,vitamin A,vitamin B iyo vitaminD.
- Sonkor badan ha qaadan.
- Biyo-kugu filan cab.
- Jooji sigaar cabista.
Fadlan ha isticmaalin daawo-aanu dhakhtarka indhuhu kuu qorin ,waxa ay dhaawici kartaa indhahaaga.