Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Shuban – waa saxaro jilicsan laba illaa saddex-jeer qofku/ilmuhu uu dhigo.
Mantag – awood ay isticmaalayaan muruqyada caloosha kuwaas oo caloosha ka caawinaya in ay iska saarto waxyaabaha soo galay,xanxantayn la xanxantaynayo hunguriga ayuu ka imanaya mantaggu.
Caabuqa ugu weyn ee mantagga keena waaka kudhaca dheefshiidka afka ilaa halka ugu danbaysa mindhicirka ee malawadka.
Waxa keeni kara waa ilmo-aragtay sida bakteria ,virus …….
Maalmahan waxa kor-ukacay mantagga iyo shubanka ee magaalooyinka waaweyn.
Waxa loo aaneeyaa xilli-roobaadka oo ay bataan biyaha aan nadiifta ahayn iyo cuntada oo nadiif noqon maadama cayayaanku uu dhashay,cayayaanka sida dukhsiga/duqsiga ayaa ah cayeyaanada wasakheeya cuntada hadii ay bilaa dabool yihiin, taas oo sahlaysa in si fudud cuntadu u wasakhawdo.
SHUBANKA MAXAA SABABA?
- Bakteriya waxa ugu caansan oo keeni karta – e.colli,shigella,salmonella,yersenia &clostridium. qaar kale ayaa keeni kara oo badan.
- Virus– yada keena shubanka waxa ka mid ah : Rotavirus, Norovirus, Sapovirus, Astrovirus, & group F adenovirus.
- Fungus- yada ugu badan ee keeni kara shuban waxa ka mid ah: candida.
- Protozoa- waa ka ugu caansan ee keeni kara shuban,wadamada ka hooseeya saxaraha, badanaa waxa laga helaa meelaha wasakhda ah ee aan nadiif-ta ahayn, hal qof oo xanuunka qabaa uu u wada gudbin karaa dhamaan qoyska .
waxa ka mid ah kuwa ugu caansan ee keeni kara shubanka:- Entamoeba histolytica, Giardia intestinalis and Cryptosporidium species.
SHUBANKU GOORMA AYUU QATAR UU YAHAY?
Shubanku waxa uu qatar uu yahay ,qofku hadii uu fadhiisto saacadii ilaa 4jeer,aadna saxaradu u jilicsantahay.
shubanku waxa uu keeni karaa kale dheelitirnaan macdanaha ah ,taas waxa ay qofka ka dhigi kartaa mid miyir-beelsan,ha dhayalsan.
Shubanka macdanaha qofka kabaxa waxa ka mid ah potassium .
XALKA SHUBANKA!
Gee qofka goob caafimaad adiga oo qofka sii siinaya ORS.
Muus iyo rooti qalalan+yogourt ama caano-fadhi.
Hadii uu ka bato shubanku saacadii 3 jeer goob caafimaad qofka gee.
MANTAG.
Mantaggu waxa uu ka imanayaa cadaadis ka imanaya mindhiciradda iyo kale bixid ka imanaysa albaabka u dhaxeeya caloosha iyo hunguriga ,dhammaan muruqyadu waxay sababayaan in ay ururaan.
Marka uu jiro caabuqa uurkujirta ee loo yaqaano gastrointeritis waxa badanaya mantagga.
XALKA MANTAGGA.
Mantaggu hadii uu kabato 3 jeer saacadii waxa kaliya ee lagu daryeeli karaa waa goob caafimaad.
SIDEE AYAA LOOGA HORTAGI KARAA MANTAGGA IYO SHUMANKA.
Xilliyadan ay jiraan shubanka iyo mantaggu kudedaal qodobadan:-
- Nadaafadda qof ahaaneed ,degaanka iyo qoyska guriga kula jooga.
- Isticmaal kiniinka biyo-sifeeye.
- Hadii uu shuban jiro isticmaal ors&zinc oo kiniini ah.
- Biyaha aad cabaysid iska-karkari.
- Khudaarta iyo cuntooyinka aan dahaadhka lahayn fadlan aad u maydh,iskana karkari.
- Cabitaan badan cab.
- Hubi cuntada aad cunaysid in aad loo kariyo .
- Hilibka iyo caanaha lo’da aad u kari marka aad isticmaalaysid.
KA FOGOW CUNTOOYINKA SABABA SHUBANKA,MANTAGGA IYO GAS-TA.
Wakhtiyadan ay jiraan xaaladaha shubanka iyo mantagga waxa jira cuntooyin kuu sahlaya in si fudud uu kugu dhici karo shuban ama mantag.
- Cuntooyinka subagga iyo cuntooyinka la shiilo.
- Khudaarta iyo cuntooyinka aan galka lahayn sida roodhida.
- Bunka.
- Cabage-ka.
- Xabxabka.
- Cuntooyinka kulul ee basbaasku ku jiro .