Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
π―πΆπΉπ«π―π¨πͺ
Jabka soo gaara misigta/sinta ayaa ah mid saameeya dadka waayeelka ah (daβdoodu ka weyntahay 65 jir). Dhibkan waxa u ku badan yahay dumarka 5-laab marka loo barbar dhigo raga. Sababta ayaa ah in isbedel ku yimaado hormoonnada dumarka kadib marka uu joogsado dhiiga caadada ah ee qofka dumarka ahi hesho daβda ka hooraysa ilaa 40 jirka. Hormoonnada ayaa faaidooyin uleh lafaha isla markaana yareeya macdanta laga saaro lafaha oo sababa khafiifka ama jileeca lafaha.
Xaaladahan soo socda ayaa kordhiya u nuglaanshaha ama jab si fudud usoo gaara misigta/sinta.
1. Lafo-khafiif (Osteoporosis)
2. Kufid soo noqnoqota
3. Awooda Socodka oo yaraata
π΄ππππ π³πππππ π―ππππππ π²ππππ π±ππππ π΄ππππππ π¨ππ πΊπππππ?
Waxa lagu yarayn karaa jabka misigta ama sinta, iyada oo la daweeyo ama laga hortago waxyaalaha keena ama sahla in qofku si fudud u jabo;
1. In la daweeyo lafo-khafiifka (Osteoporosis).
2. In laga hortago waxa keena kufida soo noqnoqata sida; daweynta araga indhaha marka aragu daciifo, daweynta dawakhaada iyo waxyaalaha keena dawakhaada.
3. In waxkasta oo sahli kara kufida oo yaala guriga qofka waayeelka ahi ku nool yahay la hagaajiyo (Occupational therapy) sida; a) In lala dagaalamo qoyaanka oogada guriga ama daarada iyo suuliga.n b) In iftiin waafi ah lagu xidho daarada, suuliga iyo inta udhaxaysa. c) In bir qofka waayeelka ahi qabsan karo la raaciyo gidaarka udhaxeeya qolka hurdada iyo suuliga. Sidoo kale dhinacyada catabadaha/jaran-jarooyinka guriga loo sameeyo biraha laqabsado. d) In rooga/karbetka ama caw/darmada saran marmarka ama oogada dhulka yahay mid aan simbiriirisho/silbasho keenayn. e) Xadhkaha iyo waxkasto oo qof ku kufi karo laga qaado meelaha cagta qofku marto gudaha guriga.
π«πππππππππ π±ππππ π΄ππππππ π¨ππ πΊπππππ?
Ujeedada loo kabo jabka waa in qofkaas usoo laabto/noqdo isticmaalkii xubinta ama lafta jabtay. Iyadoo la yaraynayo in qofku sariir-yaal noqdo mudo dheer.
Laba hab ama qaab ayaa loo kabaa jabka miskaha ama sinaha; Qaab biro lagu kabo oo qaliin ah iyo qaab aan qaliin ahayn.
Sababahan soo socda ayaa lagu doortaa in qofka qaab aan-qaliin ahayn lagu kabo;
a. In qofka jabay uu marka hore aanu wax socod ah lahayn ama sariir-yaal ahaa.
b. Qof aan caafimadkiisa guud aanu qaadi Karin qaliinka ama suuxdinta.
c. Jabka oo ah mid sahlan isla markaana lagu xalin karo qaab an qaliin ahayn.
π΄πππππ π²πππ π²ππππ π΄ππππππ/πΊππππ π΅πππππ (πͺπππ)?
Guud ahaan jabka sinta ama miskaha ayaa ah nooc aan lagu kabi Karin nuurad (Cast). Qaabkasta oon aan qaliin ahayna waxa uu keenaa jiif dheeraada oo ayka dhalan karaan qodobadan soo socda;
a. In maqaarku dhaco ama goβo, gaar ahaan meelaha qofku ujiifo ee cadaadiska joogtada ah ay saarantahay. (Pressure Ulcer)
b. In murqaha jirku ilaawaan shaqada, taasoo keenta in hadhaw ay adkaato sarajooga ama socodka. (Misuse Atrophy/Deconditioning syndrome)
c. Infekshan (infection) ama caabuq ku yimaada tuubbada kaadi mareenka (UTI) iyo sambabada (Pneumonia).
Sababahaas dartood ayaa waxa la doorbidaa in jabka miskaha ama sinta lagu kabo biro (la geliyo bir), Iyada oo la tixgalinayo xaalada caafimaad ee qofka, awooda socodka iyo dhaqdhaqaaqa jabka kahor (qofka marka hore aan socon jirin uma baahdo qaliin).
Qaab ka qaliin ka ahi (Bir lagaliyo) waxa uu sahlaa in qofka jabay hore u istaago, dhaqdhaqaaq ama socodna u samayn karo maalmaha ku xiga qaliinka. Taas oo fududaynaysa ka hortaga dhibaatooyinka jiifku keeno ee kor ku xusan.
π΄πππππππππ π«πππππ π¨π:
π΄πππππ ππ πππππ ππππππ ππ ππππ-πππππππ ππππ?
Lafo jileeca ama lafo khafiifku ma aha xanuun calaamado muuqda leh, oo waxa la arkaa uun marka lafuhu jabaan (gaar ahaan jabka dhudhumaha ama curcurka gacmaha). Sidaa darted, waxa lagu taliyaa in qofka halista ugu jira lafa jileeca uu ka warqabo caafimadka lafihiisa.
https://www.facebook.com/mahmoud.cabdilaahi?cft[0
Dr mohamoud cabdilaahi.
Dhakhtarka lafaha .