Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Dumar aad ubadan ayaa isku arka calaamadaha caabuqa-kaadi-haysta ku dhaca ,marmarka qaar aad ugu soo noqnoqda marka ay qaataan hab-daaweynta.
Nuglaanshiyaha caabuqa soo noqnoqda marka loo eego tobankii rag ah waxa uu kusoo noqdaa 4 ka mid ah ,halka tobankii dumar ahba uu kusoo noqdo 7 ka mid ah ,sababta ugu weyn waa samaysanka tuunbada kaadida dumarka oo ka gaaban ta ragga.
Calaamadaha caabuqa kaadi haysta :-
- Kaar/xanuun marka uu qofku uu kaajayo.
- Kaadi badan .
- Musqul noqnoqodka oo qofka ku bata.
- Kaadi-dhiig.
- Dhabar xanuun.
Waxa jira 4 sababood oo aad u waaweyn kuwaas oo keeni kara in caabuqu uusoo noqdo.
- Qaab dhismeedka kaadi mareenka.
Qaab dhismeedka kaadi-mareenka ragga – ragga xubintoodu way dheertahay , waxa u dhow malawadki oo saxaro badan oo wada bakteriya ah laga helayo taas waxa ay nuglayn kartaa in si fudud ay bakteriyadu ay uga faaiidaysan karto.
cabirka tuunbada kaadida dibadda usoo saarta ragga waa 20cm.
Si taas looga badbaado waa in la hormaydhaa xubinta kaadi mareenka kadib dabada la maydhaa si looga hortago jaaniska caabuq ay kukeeni karto bakteriyadu.
Qaab dhismeedka kaadi mareenka dumarka, cabirka tuunbada dibadda usoo saartaa waa 4cm maadaama ay yartahay ,sidoo kale malawadki dibadda saxarada dibadda usoosaarayey la jaar yahay waxa ay 90% halis ugu jirtaa in ay sifudud usoo gaadho bakteriyada badan ee saxarada lasocota.
2. Qolka musqusha .
Tuunbada kaadidu way gaabantahay ,gabadhu marka ay xaajo dhamaysato waa in ay hor-maydho kaadi mareenka kadib ay maydho dabada ama halka ay saxaradu kasoo baxayso .
Si ay uga badbaado bakteriyada badan ee saxarada lasocota ,taas oo ku hadh-hadhi karta faraha .
3. Isku-tagga lamaanaha.
Bakteriyadu aad ayey ugu faaftaa marka ay kulmaan lamaanuhu ,hadii mid ka mid ah uu qabo caabuqa kaadi-haysta uu u gudbin karaa ka caafimaadka qaba.
Condoms-ka la isticmaalo way sahli karaan in qofku uu qaado caabuqa kaadi-haysta ,marwalba oo aad lamankaaga u tagto kaadi,aadna u nadiifi xubintaada ,taas waxa ay ka hortagaysaa bakteriyada badan ee gashay xubintaada in kaadidu soo celiso oo ay nadiifiso .
4. Xaalado kale oo caafimaad :-
- Xanuunada jiitama sida macaanka ,dhikarka,kelyo-xanuunka iyo xanuunada neerfaha dhamaantood waxa ay u nugulyihiin caabuqa kaadi-haysta ku dhaca.
- Hadii aad qalniin hore aad ka gashay kaadi-haysta waxa aad ugu nugushahay caabuqan .
- Dharka kasamaysan suufka iyo maryaha adag huur badan ayey kukeeni karaan xubnaha taranka taas waxa ay sahlaysaa bakteriya badan in ay ka dhalato ,sifududna waxa ay u keeni kartaa nuglaanshiyo caafimaad ahaan ma wanaagsana maryaha adag ,waxa wanaagsan qofku in uu hoosta ka xidho dhar ka samaysan cudbi.
Talo caafimaad.
- Isticmaal biyo kugu filan maalintii adigoo qaadanaya miisaankaaga biyaha ku haboon.
- Dharkaaga hoose ka dhig-dhar cudbi ka samaysan.
- Kaadida ha xajisan.
- Ha isticmaalin waxyaabaha xubnaha lagu buufiyo adiga oo aan la tashan dhakhtar.
- Ha isticmaalin condoms ka adiga oo aan la tashan dhakhtar.
- Hadii lamaanayaasha mid ka mid ah uu yeesho calaamadaha caabuqa kaadi haysta fadlan ha aadan dhakhtar si loo yareeyo xanuunka faafitaankiisa.
W/Q mohamed ibrahim.