5 TALLAABO OO MUHIIM U AH CAAFIMAADKAAGA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Caafimaadkaaga oo wanaagsaadaa waxa uu kuu horseedayaa cimri-dheer.

Sanadadan maadaama ay aad usoo badanayaan xanuunada jiitama waxa aad muhiim u ah in aad caafimaadkaaga la socotid isbedel walba .

Sidee ayey kuugu hirgalaysaa in aad caafimaadkaaga aad la socotid?

Waxa aad muhiim u ah inaad haysatid shax(table) ay kuugu qoran yihiin :-

  1. Wakhtiga aad jimicsanaysid.
  2. Wakhtiga aad seexanaysid.
  3. Inta jeer ee aad usbuuci wax-akhrisanaysid.
  4. Cuntooyinka aad qaadanaysid Subaxdii ,, Duhurkii ,, Habeenkii, oo ku salaysan heer nafaqo .
  5. Xanuunada jiitama/hiddaha ah(chronic diseases) ee aad hiddaha u leedihiin sida macaanka,dhiikarka,tyriod-ka ,joonisyada noocyadooda kale duwan,xanuunada indhaha,dhegaha……..
  6. 3-Bilood-ba ama 6-Bilood inta jeer ee aad samaynaysid check up(waa baadhitaan aad kula soconaysid xaaladaada caafimaad maadama aad leedihiin xanuuno jiitama/hiddo uleedihiin.

Iyo macluumaad kale oo aad ku hagaajinaysid caafimaadkaaga.

5-TALLAABO OO AAD CAAFIMAADKA KOR UGU QAADAYSID WAXA KA MID AH:-

  1. Ku ilaali insulin ta jidhkaaga in ay ahaato inta loogu talo galay.

Insulin waa dareere laga soo daayo ganaca,yareeya ama xadida heerka sonkorta ee dhex-qulqulaysa dhiigga.

Insulin -badan waxa lasoo daayaa marka dhiigga lagu arko xaddi badan oo ah sonkor.

Sida kaliyaata ee aad ku ilaalin kartaa waa adiga oo sonkor badan aanad qaadan.

Siyaabaha kale duwan ee aad ku ilaalin kartid heerkaa insulin-ta mid caadiya waxa ka mid ah:-

  • Jimicsi .
  • Cunto kale duwan oo aan isku mid ahayn in aad qaadatid 3 -wakhti.
  • Sonkor badan in aanad qaadan.

2. Soonka.

Si unugyada caawiya hab-dhiska dheefshiidku ay u nastaan ,ayna usoo dayn fal-dajiyeyaasha burburiya cuntada soonku waxa uu yahay laf-dhabar si unugyadu unoqdaan qaar caafimaad qaba.

Miisaan lumista aad ayuu u caawiyaa soonku.

Dadka macaanka leh,dhiikarka ama xanuun la nool waxa wanaagsan in dhakhtarkiisa uu la tashado hadii uu soomayo.

3.Hadii miisaankaagu uu aad usareeyo uma wanaagsana .

4. Cunto dheeli-tiran qaado baro cuntooyinka loo yaqaan keto-food.

5. Hurdo-fiican seexo sidoo kale jimicso.

W/Q mohamed ibrahim.