WACYIGALIN CAAFIMAAD OO KU SAABSAN NAASKA. Qanjidhka naasku maadama uu yahay mid ilmuhu uu aad ugu tiirsanyahay oo caano nafaqo leh uu ka helayo ,hooyadu waa muhiim in ay ka warhayso ,isbedelada ku dhacaya naaska. Marwalba oo hooyadu ay ogaato xilli hore xanuunka isbedelka ku yimaada naaskeeda waa marwlba oo xilli hore la xalin karo xaaladeeda lasoo gudboonaata naaska . …
Immisa saacadood ayaa habboon carruurtu in ay seexdaan? Hurdadu waa mustaqbalka carruurta, aad bayna muhiim ugu tahay, hurdo la’aantuna badiyaa kama muuqato; laakiin waxa ay si taban u saameysaa maskaxdooda, awooddooda waxbarasho iyo cimrigooda inta ka dhiman. Tiknoolojiyaddu waxa ay sababtay in ubbad yaryar oo badan hurdo la’aani ku dhacdo, subixiina daal la soo kacaan, oo ay dugsiyada tegaan iyaga …
Marka loo eego dadka miisaankoodu uu sareeyo ama buuran ,waa ay ka halis badan yihiin dadka miisaanka caafimaadka qaba leh , sababtoo ah waxa ay halis badan ugu jiraan xanuunadan:- Goorma qofka lagu tilmaami karaa in miisaankiisu uu sareeyo oo xadkii uu dhaafay? Body mass index-waxa uu sheegaa qofka miisaankiisu inuu hooseeyo(caato),caadi-yahay iyo in uu miisaankiisu sareeyo(buuran-yahay). Sidan u xisaabso …
Xanuunada badanaa lagu arko xubinta taranka ragga aad ayey u badan yihiin ,waxa aynu usoo qaadan doonaa mid mid. Xanuunkan baruur caddaan ah ayaa kudul-samaysmaysa dusha sare ee xubinta,xanuunkan waxa uu bedelaa qaab-dhismeedkii xubinta taranka oo uu ka dhigo mid qaloocda. Baruurtaas caddaanka ah waa mid adag oo saameyn ku yeelanaysa muruqyada xubinta oo ku keeni karta in uu sifiican …
Duxda/subag badan hadii aad qaadatid waxa dhici kara xanuuno sida beer-subag,xanuunada wadnaha iyo dhiikar. Beer-subag. Bile-maadada la yidhaahdo oo beerka laga soo daayo ayaa burburiya subagga, beerku marka u sifiican u shaqayn waayo waxa dhiigga lagu soo daayaa xaddi badan oo subag ah oo ku samaysma xidida halbowlayaasha ah ee wadnaha iyo qaybaha jidhka. Beer-subaggu waxa uu dhacaa marka subag-badan …