Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Jointace waa fiitamiino-ka kooban nafaqooyin baahi badan uu u qabo jidhkeena ,maadaama jidhkeena shaqo baaxad weyn ay ka dhex-socoto .
Muruqyadeenu waxa ay u shaqeeyaan si baaxad weyn ,oo aan nasasho lahayn,kale gooys walba waxa ku jira dareere ka ilaaliya in lafuhu ay is-lisaan ,waxa uu dareerahaas uu inoo fudaydiyaa socod dheer inaynu samayn karno.
MAXAA UU KAKOOBAN YAHAY JOINTACE?
- Vitamin C- waxa uu kor uqaadaa samaysanka collagen oo ka qayb-qaadata samaysanka lafaha iyo carjawaha.
- Copper – birta copper oo kor uqaada unugyada yaryar ee ay kasamaysantahay laftu sidoo kale awood buuxda ayey siisaa.
- Vitamin D,manganes iyo zinc oo ka qayb qata awoodda iyo dhumucda lafta .
- Glucosamine – waa maaddo natural ah oo laga helo lafuhu halka ay ku fadhiisanayso taas oo lafta ilaalisaa,qofka ay ka yartahay waxa lagu arkaa islis lafaha dhexdooda ah .
- Omega – oo kordhisa cufka iyo is-haysashada lafta.
- Boron – oo yareeya caabuqa ku dhaca kale goysyada laba lafood ay iskugu imaadaan sida xanuunka roomatisamka.
- Fiitamiinada kale ee ku jira waxa ka mid ah :- follic acid,cod liver oil iyo selenium.
DADKEE AYUU MUHIIM U YAHAY JOINTACE .
- Dadka waaweyn ee la nool xanuunada lafaha ku dhaca iyo kale goysyada.
- Dhalin-yarada sports ka oo aad muhiim ugu yahay.
- Dhaawacyada lafaha dadka ay soo gaadheen.
Da’dee ayaa qaadan karta nafaqada jointace.
Da’da qaadan kartaa waa 12 sanno iyo wixii ka weyn .
Maalintii intee ayuu qaadanayaa qofku?
Nafaqada jointace hadii ay ku jirto maadada omega iyo vitamins ka kale ,hal xabbo iyo hal xabbo ayuu ka qaadanayaa 24 saacadood hal mar.
Hadii ay isku samaysan yihiin oo ay isku yihiin hal kiniin ,halkiniin malintii qaado.
Hadii ay kale yihiin laba kiniin subaxii fiitamiinka qaado habeenkiina omega .
YAAN QAADAN KARIN JOINTACE?
- Hooyada uurka leh.
- Hooyada naas-nuujinaysa ilmaha yar.
Sababta loogu diidayaa waxa weeyi maadaama
XASUUSNOW.
Fadlan la tasho daawo yaqaanka iyo dhakhtarkaaga .
@caafimaadka