Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Waa maxay calool-istaaggu?
Calool istaagu waa mindhicirada oo awoodi waaya inay isdhaafiyaan hadhaaga cuntada ee qashinka ah.
Caloosha oo adkaataa waa xaalad degenaanshiyo la’aan ah oo ku timaada habdhiska dheefshiidka iyo hab dhiska qashin-saarka.
Cuntooyin badan ayaa keena calool-istaaga waxa ka mid ah:-
- Baradhada la shiilay.
- Hilibka.
- Baastada.
- Bariiska.
- Daqiiqda.
Astaamaha lagu garto calool istaagga.
- Saxarada oo adkaata.
- Saxarada oo damaqda meelaha ay soo marayso ee malawadka.
- Mindhicirka oo shanqadhiisu ay yaraato.
- Mindhicirkaaga oo awoodi waaya inuu qashin saaro saxarada .
HALIS INTEE LEEG AYEY GALI KARAAN DADKA CALOOL-ISTAAGGA LEH?
Halis caafimaad oo baaxad weyn ayey gali karaan waxa ka mid ah :-
- Babaasiir in ay ku dhacdo.
- Jeexitaan iyo nabar ay kusamayso halka saxaradu kasoo baxayso.
- Muruqa malawadka caawinaya oo dabca kadib mindhicirka weyn oo dibadda usoo baxa.
- Mindhicirka oo xidhma.
Dad-yowgee ayey muhiim u tahay in ay calooshooda jilciyaan?
Walow dadka oo dhan ay muhiim ay utahay in ay calooshooda ay jilciyaan hadana waa lagu kale duwan yahay calool socodka ,dadka qaar hadii ay biyo cabbaan calooshoodu waa mid ay ku dhaqaaqi karto oo qashin badan ay ku bixi karaan,dadka qaar ilaa ay daawo isticmaalaan calooshu ma dhaqaaqdo,dadka qaar xanuunada la nool way awoodi kari wayaan inay calooshooda ay dhaqaajiyaan oo waxa ay ku keentaa haliso badan:-
- Dadka waaweyn.
- Dadka xanuunada jiitama la nool.
- Dadka babaasiirta leh.
Wakhtiyadee ayaa muhiim ah in uu qofku caloosha dhaqaajiyo?
- Xilliyada ugu wanaagsan laga bilaabo subaxdii illaa galabtii habeenki ma wanaagsana maadama hurdo aad ubaahan tahay.
Ilmaha 10 jir ka yar calooshiisa mala dhaqaajin karaa?
Haa,caruurta inta badan hadii ay calooshu ay istaagto waxa la siiyaa suppository(siboosto) ,waxa muhiim ah in aad dhakhtar la wadaagtid xogta.
Caruurta waxyaabaha ku keena calool istaagga waxa ka mid ah :-
- Buskadada.
- Baradha shiilan.
- Biyo siin laanta.
CUNTOOYINKA CALOOSHA JILCIYA WAXA KA MID AH:-
- Biyaha.
Biyuhu waa dareeraha kaliyata ee aad ka heli kartid meel walba,biyuhu waxa ay jilciyaan saxarada,waxa ay kor uqaadaan shaqada mindhicirada ,waxa ay fudaydiyaan qashin saarka .
2.SINJIBIISHA.
Warbixino caafimaad ayaa lagu soo bandhigayaa in sinjibiishu ay caafimaad ahaan ay u wanaagsantahay habdhiska dheefshiidka ,sidoo kale awood siiso awoodda mindhicirada ,waxa ay hoos udhigtaa hawada badan ee mindhicirada iyo casiraadda joogtada ah .
Xaddi intee leeg ayuu qofku uu ka qaadanayaa sinjibiisha?
Xaddiga qofku uu ka qaadanayo sinjibiishu waa qaado haafkeed adiga oo shaaha ku darsanaya ama biyo.
Dadka qaar xasaasiyad ayey ku leeyihiin waa muhiim inta aanad u isticmaalin .
3. Dacarta.
Dacartu waa calool jilciye fiican ,waxa laga sameeya shaah, kiniino iyo cabitaano sharaab ahaan,waxa ay kor uqaadaa habsami ushaqaynta mindhicirada saxaradana way jilcisaa.
4. Timirta .
Timirtu waa calool jilciyaha ugu wanaagsan ee loo qaato caloosha ,waxa ku jira fibre badanoo ka caawinaya in mindhiciradu sifiican ay u shaqeeyaan unuugaan nafaqada sidoo kale sifudud qashin saar ay usamayn karaan.
5.Basadda .
Basadu waa cuntooyin la isku geeyey oo ka kooban cuntooyin aad ugu badan yihiin fiber-nafaqo dhamaystiran oo ay kasamaysan yihiin cuntooyinka barootiinka ah iyo qaar aan barootin ahayn.
6. Canbe babayga.
cuntooyinka iyo dhir badan ayaa loo isticmaalaa calool jilcinta waxa ka mid ah:-
- Xamarta.
- Olive oil ka.
- Qunbaha.
- Qudaarta kale duwan sida tufaaxa,muuska,babay ga,xabxabka iyo qudaar badan .
SIYAABAHA CUNTOOYINKEENU INOOGU KEENI KARAAN CALOOL ISTAAG WAXA KA MID AH:-
- Cuntada marka aynu diyaarinayno waxa ay ubadan tahay hal cunto tusaale :, Bariis kaliyah, xalku sidan maaha ,waa in aynu ku ladhno/ku darno cuntooyin kale sida khudaar,cuntada galka leh sida lawska,digir ,harakoo ,faasuuliye . marka aynu cuntooyinka sidan iskugu darno waxa fududaanaysa in muruqyada mindhicirku sifiican ay ushaqeeyaan kadib sifudud qofkii u saxaroodo isaga oo ayna cunto ku hadhin mindhicirkiisa.
- Jimicsi la’aan, jimicsigu waxa uu caawiyaa muruqyada caawiya hab qashin saarka ,maalintii samee jimicsi 30 daqiiqo waxa uu kaa caawinayaa in muruqyada uurku jirtu ay ahaadaan qaar awood badan oo sifiican u shaqeeya.
- Biyo cabis la’aan, biyuhu waa kuwa kale wada habdhiska jidhkeena , waxa ay dadajiyaan dhammaan falgalada jidhka ka dhex-dhaca waa muhiim in aad isticmaashid biyo kugu haboon.
Hadii ay calooshu intaa aynu xusnay ku socon waydo waxa aad ubaahanaysaa dhakhtar aad kale tashatid xalka xiga.
Xasuusnow cuntooyinka qaar ayaa keeni kara fuuqbax ,fadlan 2 saacadood wixii kabadan calool socodka waxa iman kara fuuq bax ,fadlan la tasho dhakhtarkaaga.
Dadka inta badan uu galin karo xaalado degdeg ah fuuq buxu waa dadka la nool sonkorta,beer xanuunka iyo dadka dhuul jiifka ah.
Mahadsanid.
@caafimaadka.