5 HAB OO AAD KULA TACAALI KARTID KAARKA XILLIGA DHIIGGA CAADADA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Todobaadka dhiiggu waa mid maskax ahaan iyo jidh ahaan aad ay gabadhu xaalad u marto.

Kaarka in laga jabiyo aad ayey muhiim u tahay ,goob walba oo ay joogto .

Hadii aynu is waydiino maxaa uu u imaadaa dhiigan caadadu ?

Si uu ilmo galeenku uu iskugu diyaariyo in ilmo ay qaado gabadhu ,oo meesha looga saaro bishii hore waxyaabaha uu diyaariyey ayaa ay u imanaysa in la nadiifiyo dhamaan ilmo galeenka si ilmo in uu qaado iskugu diyaariyo sidoo kale loo nafaqeeyo bacriminta.

Ururka muruqyada ku imanaya ilmo galeenka ayaa keenaya in kaar/qaraac badan ay yeelato gabadhu.

Hababka kaarka lagu yaraynayo waxa ka mid ah:-

  1. Isticmaal agab kulayl kusiiya .
  • Agabka kulaylka kusiinaya waxa ka mid ah mishiino kulayl/diirimaad ah siinaya ilmo galeenka oo dusha sare aad iskaga xidhaysid ,kaas oo aan wax dhibaato ah kuu keenayn.

Sisibadda.

Soo qaado sisibad iyo biyo diiran ku shub kadib halka ilmo galeenka ku toosan saar-saar adigoo ku duubaya maro iskana adkaynaya furka.

  • Mar ilaa laba jeer maalintii.

2. Qaado xanuun baabiiye/kaar jabiye.

Kaar-jabiyuhu waxa uu yarayn doona calaamadaha xanuunka ,waxa ka mid ah ibuprofen ,paracetamol ,naproxen iyo diclofenac.

Cabirka aad qaadanaysid waxa aad la tashataa daawo-yaqaankaaga.

4-6 saacadood ayaad hal mar qaadan.

Usheeg daawooyinka qaar inaad xasaasiyad kuleedahay.

Hadii ay jiraan xanuuno aad la nooshahay sida sonkorowga ,dhiikarka,beerxanuunka iyo kalyo xanuunka fadlan usheeg daawo yaqaanka.

3.JIMICSO.

Jimicsugu waa kaar-jabiye dabiici ah ,marka aad dareentid xanuunka ee aad samaysid jimicsi waxa lasoo daayaa maado loo yaqaan endorphins oo ah maado uu soo daayo jidhkeenu hab-dabiici ah ,marka qofku uu jimicsadoh maadadan ayaa lasoo daayaa ,waxa ay yaraysaa kaarka iyo xanuunka badan ,kadib gabadhu way nafistaa.

4. WER-WERKA ISKA YAREE.

Werwerka ,fikirka badan iyo kalinimadu waxa ay sii siyaadiyaan kaarka ,xaalado kale oo caafimaad darro ayaad wajihi kartaa ,waxa aad u wanaagsan in aad ka meermeertid werwerka iyo habdareenka xaalada kugu sii kordhin kara.

Waxyaabaha kaa yarayn kara waxa ka mid ah :-

  • Jimicsiga yoga.
  • In aad hawo qaadatid marwalba ,indhaha isku qabo gacmahana laabtaada saar ,hawo qaado ,siidaa aayar adigoo degen ilaaa 10 jeer waxa kaa yaran doona kaarka.
  • La tasho dhakhtar.

5. QAADO FIITAMIINS IYO MACDANO.

Xog-ururin la sameeyey ayaa daaha ka fayday in fiitamiinka b1(thiamine) iyo magnesium in ay qayb ka yihiin in unugyada jidhku u adkaysaan kaarka oo marka ay xaalad kaar/xanuun keenaysaa ay timaado in unugyadu ay awood u yeeshaan in kaarbadan qofku aanu dareemin .

Maalintii hadii ay qaadato gabadhu multivitamin ay ku jiran labadas nafaqo kaar badan arki mayso insha Allah.

Shanta qodob waan rajaynayaa in ay caawin doonaan gabadh kasta.

Mahadsanid.

@caafimaadka