Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Sonkorta dhiiga hadii ay saraysanto luqadda caafimaadka waxa loo yaqaanaa hyperglycemia.
Sonkortu hadii ay kasarayso aroorta hore qofku isaga oo aan wax-cunin- 125mg/dl waxa la odhanayaa sonkortiisu way saraysaa..
Qofku marka wax uu cuno kadib 2 saacadood hadii sonkortiisu ay ka sarayso 200mg/dl waxa la odhanaya sonkortiisu waysaraysaa.
Calaamadaha lagu garto sonkortu in ay sarayso.
– Harraad badan.
– Qalayl badan oo afka ah.
– Daal badan.
– Haydh-haydh badan oo indhaha ka saarma.
Hadaba sonkorta saraysa sidee ayaa loo xadaynayaa ?
Sida loo xadaynayo waxa aynu kusoo koobaynaa qodobadan kooban:-
- Qofku hadii uu lahaa sonkorow/macaan waxa muhiim ah in uu daawadiisii uu qaato.
- Qofku hadii uu ku jiro xaaladda in macaan uu halis ugu yahay waxa muhiim ah in uu la xidhiidho dhakhtarkiisii hadii kale goob caafimaad waa in uu aado si loola tacaalo.
- Daawadiisa sii hadii uu sonkorow marka hore uu la noolaa.
Daawada uu qaadanayo qofka sonkorta la nool ama macaanka waa in daawadiisa marka uu qaato waa in ay dajiso ,hadii ayna dajinayn ama xadiga sonkorta hoos u dhigayn wax ay u tarayso majirto ,dhakhtarkii qofku uu ku xidhnaa waa in lala socodsiiyo.
siyaabaha aad ku ogaan kartid daawada in ay wax u tarayso iyo inkale waa in aad marwalba qofka la cibiro la qoro kadib la eego miyuu macaanku uu degay mise muu dagin ,cabirka ayaa lagu ogaan karaa daawadu inay qofka wax u tarayso iyo inkale.
- Cuntada uu qofku uu qaadanayo .
Cuntada uu qofku qaadanayo waa qodob aad muhiim u ah waata keenta cuntadu in ay saraysanto ama in ay degenaato.
Cuntooyinka sonkorta ka samaysan ama ay ku badan tahay waa cuntooyin Saraysinaya heerka sonkorta ee qofka .
Cuntooyinka sonkortu marka ay sarayso ,aan sii kicinayn waxa ka mid ah :- barootiinka ka samaysan sida ; Hilibka cad,hilibka cas,kalluunka,biiniska,beedka,lawska iyo khudaarta cagaaran.
Cuntooyinka aad ka fogaanaysid waxa ka mid ah :-
Daqiiqda ,soodhaha,baradhada shiilan,cunto walba oo sonkor ay ku jirto iyo cunto walba oo aad ku ogtahay in ay sonkortaada kicinayso.
- Isku-buuqa oo qofku uu yareeyo.
Iskubuuqa ,fikirka badan iyo qofka oo xallin waaya si degdeg ah xaaladaha noloshiisa,fikirka badan waxa uu ku keeni karaa in heerka sonkortiisu ay saraysanto.
waa muhiim qofku in uu yareeyo heerka isku buuqa ,hadii aanu xalin karin waa in uu la tashado dhakhtarka psycology ga waxka yaqaan.
- Jimicsiga.
Jimicsigu waxa uu hoos u dhigaa heerka sonkorta dhiigga ,muruqyada iyo unugyada jidhka .
Heerka jimicsi ee aad samayso waxa uu kor uqaadaa awoodda wadnaha iyo in unugyadu ay isticmaalaan sonkorta dhiiga dhex-qulqulaysa.
- Miisaankaaga haddii uu ka bato intii loogu talo galay sonkortaadu way saraynaysaa.
Miisaanku waxa uu kordhiyaa heerka sonkorta ,hadii uu miisaankaagu sarreeyo ku ilaali inta caadiga ah ee caafimaad ahaan la ogolyahay oo ah 75-80kg.
——————————————————————————————————————–Inta ay sonkortaadu sarrayso ,jooji isticmaalka cuntooyinka ka kooban carbohydarate ka sida bariiska ,baastada,daqiiqda iyo cuntooyinka ay ku jiraan.
…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….
Marwalba la tasho dhakhtar ama mihnadle caafimaad.
Wakhtigaaga nidaami ,halaga helo wakhti aad nasato oo kugu filan iyo wakhti aad jimicsato.
Mahadsanidin.
@caafimaadka