CARUURTA :CAABUQA DHEGAHA .

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Caruurta badanaa caabuqa dheguhu waxa uu ku dhacaa xilliga schoolka .

Badanaa hore uma ogaano ilmaha maqalkiisu in uu hoos u dhaco ama dhegtu caabuq ay leedahay,badanaa waxa aynu ogaana xilliyada ay calaamado muujiyaan.

Calaamadaha lagu arko waxa ka mid ah:

  • Xumad joogto ah .
  • Maqalka oo yaraada.
  • Ilmaha oo badanaa dhagaha duuga.
  • Qanjo-xanuun.
  • Dheecaan badan ayaa dhagaha kasoo bixi kara ama dareere huruud ah .

Hadii aad aragtid ilmahaaga oo qanjo xanuunku uu kusoo noqnoqnayo ku dedaal sidoo kale in aad eegtid dhegaha waayo xuub ayaa u kale dhexeeya si fudud ayuu caabuqu iskaga gudbi karaa.

Ilmaha hadii laga daaweyn waayo dhego xanuunka waxa ka dhalan kara:-

  • In caabuq soo noqnoqda .
  • Dhego la’aan.
  • Caabuqa miningitis ka .
  • Dawakhaad.
  • Finan dhegaha dabadooda kasoobaxa oo dheecaan ah .

Sidee ayaad ilmahaaga uga ilaalin kartaa caabuqa dhegaha.

  • Ilmahaaga dhegahiisa fiiri marwalba.
  • Dhegaha ka nadiifi dhukayga hana kawada dhamayn.
  • Ilmaha u sheeg in aanu dhagaha galin waxa aan ahayn cudbiga dhagaha lagu nadiifiyo,qalinka furkiisa ,qalinka dabadiisa,qoryaha faraha dhegaha lagaliyo dhammaantood waxa ay keenaan caabuqa dhegaha.

@caafimaadka.