30 DAQIIQO MAALINTII HADDII AAD ORODO MAXAA ISBEDEL KA DHICI KARA JIDHKAAGA?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Orodku waa jimicsiga ugu wanaagsan marka labarbar dhigayo jimicsiyada kale, waxa uu qofku dhaqaajinayaa in taa uu ordayo dhammaan muruqyada jidhkiisa ,muruqyadaas oo isticmaalaya awood ay ku dhaqaaqaan .

Orodka waxa aynu ka helnaa awood jidh ahaaneed,jidhka oo iska saara wasakhda badan,maskax fayow oo heshay dhiig fiican iyo awoodda wadnuhu dhiigga uu ku tuurayo oo wanaagsanaata.

Uma baahnid orod badan ,kaliyata maalintii 30 daqiiqo oo kaliya ayaa kugu filan ,faaiidooyinka aynu kor kuxusnay ayaad ka heli doontaa.

Daqiiqadaha ugu horeeya awood baaxad weyn ayaad ku bilaabi ,taas oo keenta in muruqyadu isticmaalan ATP ,kadib daqiiqado muruqyadu way adkaan ,hawo badan oo oxygen ah ayaad qaadan xaaladda muruqyadu sidoodi ayey kusoo noqon .

Daqiiqadahaa orodka lagu dhex jiro waxa aad gubi doontaa baruur badan iyada oo laga samaynayo awood iyo energy aad kusii ordi kartid.

Muruqyadu way adkaan,dhidid badan ayey saari doonaan ,xasuusnow marwalba oo uu muruqaagu uu daalo waa marka uu ka hortagayo dhaawac in uu soo gaadho.

FAAIIDOOYINKA ORODKA WAXA KA MID AH:-

  • Wadnuhu wuxuu helaa awood joogto ah,oxygen ku filan oo dhamaystiran ayuu helaa sidoo kale muruqyada wadnuhu waxa ay jidhka gaadhsiiyaan dhiig ku filan ,wadnuhu maalin walba marka aad samaysid 30 daqiiqo oo orod ah uu la qabsan doonaa ,xiiqid iyo neef-qabatow xilliga orodka ah isku arki maysid,haddii aad qabtid xanuunada wadnaha dhakhtarkaaga kale tosho .
  • Cabsida iyo werwerka jimicsigu hoos ayuu u dhigaa ,hadii werwer badan uu ku haysto 30 min orod waxa hoos u dagi doona hormones ka keena cabsida iyo werwerka.
  • Hurdo fiican ,hurdo fiican in aad heshid ,hurdo fiican in aad heshid waxa ay keenaysaa in ay nastaan dhammaan unugyada jidhkaagu naftaaduna ay nasato ,maskaxda iyo unugyada kale ay qashin saaraan waxbadan oo jidhkaaga ah.
  • Nolol dheer ,cimri dheer oo ay helaan unugyada jidhkaagu sida wadnaha ,sanbabada ,muruqyada oo ayna xilli hore ugu soo dhicin sida xanuunada dhiikarka,faaligga,xanuunada lafaha iyo kale goysyada ku dhaca.