Maalinta macaanka/sonkorowga aduunka maxa aad kaga qayb qaadan kartaa. Maalinta macaanka aduunka ayaa loo asteeyey 14/11/2023 oo ah maalinta salaasada ,waa maalin aynu inbadan haldoorkeena iyo dhakhaatiirteenu ay kaga hadlaan taariikhda sonkorowga/macaanka ,siyaabaha uu qofku ugula noolaanayo, cuntooyinka haboon in qofku marwalba uu qaato, jimicsiyada loo ogol yahay ,daawo qaadashada , fiitamiinada uu jidhku u baahan yahay iyo qaab-nololeedka uu qofka macaanku uu hayo iyo qofka halista ugu jiraa uu u noolaanaayo si loo yareeyo khatarta macaanka/sonkorowga.
MACAANKA/SONKOROWGA SIDEE AYAAD UGA HORTAGI KARTAA? Siyaabaha lagaga hortagi karo macaanka/sonkorowga waxa ka mid ah :- Jimicsi maalin walba ah ugu yaraan 30 daqiiqo.In la yaraysto cuntooyinka iyo cabitaanada sonkorta ee ka badan 500g.Hurdo-kugu filan in uu qofku uu helo 7-8 saacadood.Cunto-dheeli tiran oo uu qofku qaato oo u badan fiber.Qiijinta sigaarka oo la joojiyo.Biyo kugu filan oo aad qaadatid.Saddexdii bilood aad eegtid hadii aad hiddo-uleedihiin.Miisaanka badan oo aad iska ridid.
CALAAMADAHA HORE EE LAGU GARTO QOFKA MACAANKA HALISTA U AH :Burooyin yaryar oo kasoo baxa indhaha hoostooda ,qoorta iyo jidhka inta kale.Harraad badan.Miisaan lumis degdeg ah.Heerka sonkorta oo sareeya marmar ama u dhow in uu sarraysmo.Dhidid-badan.Kaadi-badan.Saddex-bilood laha cabirka-macaanka oo 5-7 udhexeeya.
CALAAMADAHA KHATARTA AH EE QOFKA MACAANKA LEH UU YEELAN KARO WAXA KA MID AH:- Kaadi-badan.Dhidid-badan.Afkiisa oo hawo urta cinabka ama furuutka ah ay afkiisa kasoo baxdo.Miisaan lumis degdeg ah.Koomo ,miir-doorsoon hadii qofka lagu arko.Heerka sonkortu hadii ay saraysanto .Hurdo la’aan.Khal-khal iyo kale hadal .Garasho-la’aan.Laab-xanuun saa’id ah.Mantag 2 jeer ka badan.Shuban 2 jeer ka badan.
QOFKA MACAANKA LA NOOL HURDO INTEE LEEG AYUU U BAAHAN YAHAY?8-saacadood ugu yaraan ,waxa wanaagsan in qofku uusii xaajo-guto si aanu kaadi badan u yeelan. Macaanka aadka u sareeyaa waxa uu saameeyaa qaab hurdadaada ,hadii uu sarayso sonkortaadu fadlan ha seexan ee la tasho dhakhtarkaaga.
QOFKA SONKORTIISU AY DEGI WAYDO ISAGA OO DAAWO-QAADANAYA MAXAA U XAL AH? Xilligan waa marka qofku uu galayo xaalad emergency ah ,waxa ka dhalan kara dhamaan dhibaatooyinka macaanka ka dhasha sida ,wadne-xanuun,kelyo xanuun iyo xanuuno badan.Hadii sonkortaadu ay marwalba sarayso waa in aad la kulanto dhakhtarkaaga si daawada dib u eegis loogu sameeyo. Marna ha eegan sonkortaadu marka ay sarrayso.
MAXAA LA GUDBOON QOFKA SONKORTA LA NOOL/MACAANKA. Heerka sonkortaadu in ay ka hoosayso 230mg/dl marwalba.Jimicsi joogto ah .Daawadaada oo aad sifiican u qaadatid.Cunto dheeli tiran,Hurdo-kugu filan in aad seexatid.Khudaar iyo cuntada cagaaran oo aad u cuntid.Maalintii in aad halmar is cabirtid.Kabo kugu haboon iyo dhar aan kugu giijisnayn in aad xidhatid.Nabarada iyo boogaha in aad xilli hore iska dawaysid oo aad yaraysid dhibaatada kaaso gaadhaysa hawlmaalmeedka.Dhakhtarkaaga oo aad marwalba la tashatid.