Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Indhaha oo aragtidoodu hoosayso ,araga fog iyo aragga dhow waa caqabadda koobaad ee aynu ku sababayn karno in qofku uu jidka saaray caqabado soo noqnoqda oo indhaha ah ,taas oo u sahli karta indho la’aan.
Indhuhu waa lafdharbarta nolosheena taas ayaa ah in aynu marwalba is xasuusino in aynu ilaalino.
Warbixin caafimaad oo lagu diyaariyey muqdisho ayaa sheegaysa 23% dadkaa indhaha ka cabanayey ay ku keeneen jugo iyo nabaro madaxa ka gaadhay ,19% ay ku keeneen aragtida indhaha oo hoosaysa,13.2% uu keenay dhibaato uu gaystay xanuunka macaanku.
Maxaa keeni kara indho la’aan.
Walow ay qadar Alle ay tahay oo waxbadan ayaa sabab looga dhiga waxa ka mid ah :-
- In aragtida ay hoos u dhacdo oo lens kii uu meesha ka baxo ,qofku sifiican oo faseex ah wax u arki waayo ,qofkaas waxa uu u baahdaa muraayad si uu si faseexa wax ugu arko.
- Jug ama dhaawac madaxa soo gaadha oo dhaawaca unugyada dareenka siiya indhaha.
- Vitamin A oo hooseeyaa waxa uu ku keenaa indhaha in ay qalalnaadaan ,dhaawac ayaa soo gaadhi kara qaybaha indhaha cornea iyo retina .
SIDEE AYAA LAGAGA HORTAGI KARAA?
- In aad indhahaaga cabirka u joogtayso oo aad eegto caafimaadkooda iyo badqabkooda.
- Hadii aad isticmaalaysid shaashadaha iftiinka badan waa in aad xidhatid muraayadda indhaha.
- Heerka sonkorta oo dhiiggaaga ku saraysaa waxa ay keeni kartaa in ay dhaawacdo aragtida indhaha,hadii aad sonkor aad leedahay waa in sonkortaada aad xadidid,lana tashataa dhakhtarkaaga.
- Qoyskaagu hadii ay kale dhaxlaan xanuunada indhaha ,ogow adiguna halis ayaad ugu jirtaa waa in aad ka taxadirtid.
- Hadii vitamin A uu kugu yaryahay waa in aad qaadatid ,adiga oo la tashanaya dhakhtarkaaga.
- Cuntooyinkan aad u badso si aragtida indhuhu ay kugu awoodaystaan:-
- Cuntooyinka sonkortu ay ku badantahay iskaga fogow taas waxa ay keeni kartaa saamayn baahsan oo indhahaaga dhaawaca.
- Jooji sigaar cabista ,waxa uu yareeyaa xididada sidoo kale waxa uu keena xinjir badan taas oo keenaysa in uu xididka dhiiga u sida unugyada ishu in ay xidhmaan.
- Cun cunto nafaqo leh .
@caafimaadka.net.