Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Calcium waa mid ka mid ah nafaqooyinka jidhkeenu u baahan yahay oo aanu ka maarmi karin.
Waxa ay inoo tahay muhiim xubnayaasheena sida wadnaha,lafaha,muruqyada iyo dareen wadka.
LAFAHA.
Qurub yada yaryar ee lafuhu waxyaabaha ay ka samaysan tahay ayey ka mid tahay calcium.
1200g-1400g oo calcium ah ayaa laga heli karaa jidhka ragga iyo dumarka.
Lafah iyo ilkaha ayaa ay ka qaybqaadataa samaysankooda ,aad ayey muhiim ugu tahay dhalinyarada ,dadka waaweyn iyo caruurta koraysa.
Qaadashada calcium waxa ay hoos udhigtaa halista caabuqa lafaha ku dhaca ee osteoporosis.
HOOYADA UURKA LEH IYO HOOYADA NAASNUUJINAYSA.
Hooyada uurka baahida ay u qabto aad ayey u badan tahay maadaa ay ku taageerayso koritaanka ilmaha uur jiifka ah sidoo kale xadi ku filan oo caano ah maarka ay naas-nuujinayso.
DADKA WAAWEYN.
Marwalba oo da’du sii korodhoba waa marka ay hoos u sii dhacayaan ama ay yaraanayaan waxyaabaha jidhkeena muhiim ka u ah sida calcium.
Nuugidda laga nuugayo cuntada maadada calcium ayaa hoos u dhacda marka qofka da’diisu sii weynaato ,taas waxa ay hoos u dhigaysaa cufnaanta iyo adayga lafaha ,si taas looga hortago waxa aad muhiim u ah qofka weyn in uu helo kaabis calcium ah.
KA HORTAGGA XANUUNKA OSTEOPOROSIS.
Osteoporosis waa caabuq kudhaca lafta oo ay yaraanayso awoodda iyo adkaanshiyaha unugyada laftu ay ka samaysan tahay.
xaddi calcium ah hadii uu qofku uu qaato waxa ay ka hortagysaa in xanuunkan uu saameeyo lafta iyo unugyadeeda.
SHAQADA MURUQA.
Calcium waxa ay ka qayb qaadataa marka muruqu uu kale baxayo,socodka iyo qaab dhismeedka lafaha aad ayey u caawisaa.
HAB-DAREEN WADKA.
Fariin dirrka unugu uu udirayo maskaxda iyo xangulaha calcium waxa ay ka qaadataa qayb laxaadleh.
Hadii ay qofka ka yartahay qofkaas ma ahaado qof maskaxiyan dareenkiisu uu joogo.
CALAAMADAHA LAGU GARTO IN CALCIUM HOOSAYSO.
- Muruq xanuun saaid ah.
- Kabuubyo joogto ah.
- Awoodda muruqa oo hoosaysa.
- Diidid iyo awood li’i.
- Feejignaan la’aan.
- Qaraaca wadnaha oo kordha/hooseeya.
- Cawlaan timaha iyo cidiyaha ah.
Cuntooyinkan ayaa laga helaa calcium:
- Caanaha.
- Kalluunka.
- Ciirta.
- Khudaarta cagaaran.
- Sisinta.
- Liin macaanta.
SIDEE AYAA LAGU OGAADAA CALCIUM IN AY KAA YARTAHAY?
Calaamadaha kor kusoo xusnay ayuu qofku yeelanayaa kadib markaas ayaa shaybaadh lagu xaqiijinayaa.