Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Qabjidhka thyriod ku waa qanjidh uhiimad baaxad weyn ugu fadhiya habsami u shaqaynta jidhkeena .
Waxa uu ku yaalaa qanjidhku cunaha ,doobta hoosteeda.
Waxa uu la shaqeeyaa hab-dareen wadka,cunto-burburinta ,heerka sonkorta sida loo xakameeyo iyo shaqooyin badan oo ka dhex-socda unugyada jidhka ee kale duwan.
Thyriod-ku waxa uu soo daayaa walax loo yaqaan hormone oo kale ah ➖:
- Triiodothyrorine(T3).
- Thyroxine (T4).
SHAQOOYINKA AY INOO QABTAN T3 IYO T4 .
Jidhka waxa ay u qabtaan labadan hormone ➖
- Awoodda uu qof wax ku qabsado ayey masuul ka yihiin.
- Kulka jidhka gudihiisa ayey xadidaan.
- Maqaarka qaabdhismeedkiisa iyo shaqooyinkiisa ayey taageeran.
- Xidiyaha iyo timaha koritaankooda ayey ka qaybqaataan.
- Cunto burburinta iyo xadaynta sonkorta .
Qanjidhkan waxa uu la shaqeeya xubin walba oo jidhkeena ah
Waxyaabaha kiciya ama yareeya shaqada qanjidhka thyriod-ka. Qabjidhka thyriod ku waa qanjidh uhiimad baaxad weyn ugu fadhiya habsami u shaqaynta jidhkeena .Waxa uu ku yaalaa qanjidhku cunaha ,doobta hoosteeda.Waxa uu la shaqeeyaa hab-dareen wadka,cunto-burburinta ,heerka sonkorta sida loo xakameeyo iyo shaqooyin badan oo ka dhex-socda unugyada jidhka ee kale duwan. Thyriod-ku waxa uu soo daayaa walax loo yaqaan hormone oo kale ah ➖:Triiodothyrorine(T3).Thyroxine (T4).SHAQOOYINKA AY INOO QABTAN T3 IYO T4 .Jidhka waxa ay u qabtaan labadan hormone ➖Awoodda uu qof wax ku qabsado ayey masuul ka yihiin.Kulka jidhka gudihiisa ayey xadidaan.Maqaarka qaabdhismeedkiisa iyo shaqooyinkiisa ayey taageeran.Xidiyaha iyo timaha koritaankooda ayey ka qaybqaataan.Cunto burburinta iyo xadaynta sonkorta .Qanjidhkan waxa uu la shaqeeya xubin walba oo jidhkeena ah saamayn ayuu ku leeyahay. GOORMA AYAA LA ODHANAYAA QOFKU WAXA UU LEEYAHAY XANUUNKA THYRIOD KA? Xanuunada thyriod ka ku dhaca marka ay soo wajahaan qofka waxa uu uujiyaa calaamado ay ka mid yihiin:-Awood darro.Miisaanka qofka oo isbedela.Moralka qofka oo isbedela ,cabsi iyo werwer badan yeesha.Qaraaca wadnaha oo bata.Kulka jidhkiisa oo is bedela.Timaha iyo maqaarka oo s bedela.Dhiigga caadada oo khalkhala.Muruq-xanuun joogto ah.Khal-khal hurdada ah.Feejignaanta oo hoos u dhacda sidoo kale qofka oo ka cawda xasuusaha oo yaraada.Barar cunaha oo ka hooseeya doobta.Saxasho-badan.Qufac habeenki ah .Neef-qabatow.Calaamadaha 90% hadii uu qofku uu yeesho dhakhtarku waxa uu u diri doonaa shaybaadh. Shaybaadhka loo diraya waa saddex:-FSH oo laga rabo normal ka in uu noqdo : (1.5 to 12.4 IU/L).T3 : 79 – 165 ng/dL.T4 : 5.0 to 12.0μg/dLHadii uu qofku uu calaamadaha uu muujiyo ,sidoo kale inta caadiga ah uu ka sareeyo shaybaadhka thyriod ku ,saddexda jijaabo ee FSH,T3 iyo T4 waxa lagu lifaaqayaa nooca xanuunka tayroodhka ah ee qofka haya. Noocyada xanuunada ku dhaca thyriod(tayroodhka). Marka ay yaraadaan dheecaanada uu soo daynayo qanjidhku.Waxyabaha keena waxa ka mid ah hab-difaaceena,qalniin lagu sameeyey qofka qanjidhka thyriod-ka iyo daawooyinka qaar.Calaamadaha qofka lagu arko waxa ka mid ah ➖Miisaanka qofka oo kordha.Diidid badan.Calool istaag.Maqaarka oo qofka qalala.Isku-buuq.Qofka oo ka diiqadooda qabowga. Marka ay bataan dheecaanada uu soo daynayo qanjidhku:-– Waxyaabaha keeni kara waxa ka mid ah ➖ – Hab-difaaca jidhkeena oo weerara qanjidhka thyriod ka isaga oo moodaya waxyaabo dibadda ka yimid. – Calaamadaha lagu garto waxa ka mid ah ➖ – Miisaanka qofka hoos -dhaca. – Qaraaca wadnaha oo degdega.d – Degenaansho la’aan. – Cabsi. – Qofka oo kulaylka ka cawda . – Indhaha qofka oo soo baxsan. – Fiix kasoo baxda qanjidhka thyriod-ka dushiisa. – Taas oo noqon karta cancer ama buro . – Qofka waxa lagu arkaa liqista oo ku adkaata iyo barar cunaha ah.– Caabuq ku dhaca qanjidhka thyriodka. – Caabuqa ku dhacaya qanjidhka waxa keenaya virus ama bacteria. – Qofku wax-calaamado ah ma yeelanayo.- Kansarka ku dhaca thyriod-ka. |
Waxa uu noqon karaa noocyada kale duwan ee xanuunka kansarka. IMISA XAALADOOD AYAA KEENI KARA IN DHEECAANADA THYRIOD KU SARE U KACAAN? Qaadashada xadiga maadada iodine:waa aas-aasaha dheecaanada qanjidhka thyriod-ka ,waxa laga helaa cuntooyinka sidoo kale qofku waxa uu ku heli karaa kiniin ahaan.Hadii qaadashada qofka ee maadada iodine ay badato waxa ayku keeni kartaa qanjidhka in uu soo saaro dheecaano badan taas oo noqonaysa xanuun. Hadii qanjidhka thyriod ka uu ku dhaco caabuq.Hadii dheecaanada qanjidhku uu soo daayo ay ka bataan intii loogu talo-galay.Daawooyinka qaar amiodarone.Uurka ,xilliga hooyadu ilmaha siddo waxa dhacaya khalkhal dheecaanada jidhka ah ,waxa la arkaa in hooyada qanjidhka thyriod ku uu sarraysmo. MAXAA LOOGA BAAHAN YAHAY QOFKA LA NOOL XANUUNKA THYRIODKA: a) In aad raacdid tallaabooyinka uu dhakhtarkaagu kuu jideeyey. b) Daawada in aad si fiican u qaadatid oo aanad kale jarjarin.Cunto dheeli tiran in aad cuntid oo ka koobadan dhamaan cuntooyinkii nafaqada lahaa. c) Cuntooyinka iyo daawooyinka qaar ayaa saamayn ku yeelan kara dheecanada qanjidhka thyriod ka waa in aad ka taxadirto oo aad waydiiso dhakhtarkaaga.In aad ka fogaato oo aad xadaysid iskubuuqa iyo fekerka badan.In aad heshid hurdo-kugu filan. d) Marwalba feejignow hadii aad isku aragtid : wadne-xanuun,lafo-xanuun ,taranka oo aad waxka dareentid waxa aad ubaahantahay degdeg in aad dhakhtarkaaga ula kulantid. e) Naftaada ku dabobar xanuunada aad leedahay sida calaamadaha aad yeelatid ,daawada aad qaadatid iyo cuntooyinka oo aad kale baratid. |
by caafimaadka.net.
Thank you….