Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
1-Waa inuu cabo biyo ku filan xiliga afurka xabad timira si haday sonkortu dhacsan tahay kor ugu soo qaado iyo jab yar oo qari ah .
sharaabka qasacadaysan iyo sharaabka sonkorta lagu daraba waa inuu iska ilaaliyo sidoo kale waa inuu yareeyo shaaha iyo kafeega maadaa ay kaadida badiyaan .
2-waa inuu iska ilaaliyo mac-macaan lagu a furo iyo kuwa la cuno xiliga afurka kadiba.
3- cuntadu waa iney noqoto mid-dheeli tiran dheeli tirka cuntada waa marka ay ka kooban tahay qeybahan kala duwan:-
– Carbohydrate 40%-50%.
– Protein 20% – 30%.
– Fat <30%.
4- Cuntada laga helo carbohaydrates weliba kuwa ay yar tahay sonkoortu balkana leh yaa la dhiiri geli cunistooda waxaa ka mid ah sida digir gaduuda , galayda/ arabakhida / masagda , qamadiga , salbukada, misirta iyo kuwa laga helo khudaarta mida la kariyo kuwa caadiga loo cuno sida kaabashka , koostada salarka iyo barbarooniga iwm .
Waa in uu yareeyo cuntooyinka la soo warshedeeyo .
Dhanka borotiinada cuntooyinka lagula taliyo waxaa ka mid ah kaluunka , hilibka digaaga iyo ukun xabkeeda dhanka dufanka waxaa loo doorbidaa dufanka aan wax yeelada lahyn sida saliida kaluunka iyo kuwa dhirta laga sameeyo.
5-Suxuurta waa inu dib u dhigo xili hore aanu suxuuran weliba dadka soonkoodu yahay saacadaha badan
6- Suxuurtu waa inay ka kooban tahay cuntooyinka aynu ka hadalnay una badan tahay borotiiin , dufan iyo in yar oo ah kuwa laga helo carbohydrateska sonkortoodu yartahay kuwaas oo an deg deg u kicin sonkorta cuntada kadib faaida in cuntada suxuurtu noqoto borootin iyo dufan aay ah in uu ku dareemayo dharag xiligana soonka aaney sonkortu dhicin .
7-Afurka iyo suxuurta inta u dhaxaysa hadii cunto u baahdo waa inuu isticmaalo khudaar , tufaax , ama laws iyo cuntooyinka markaa aan kicinayn sonkorta
8-Waa inuu cuntadiisa u qaabeeyo qaybaha kor ku soo xusnay una qorsheeyo hadba siduu isagu jecel yahay suxuurta iyo afurka saxanka cuntadiisuna waa inay noqoto mid dheeli tiran .
Qofka u baahan faahfaahin dheerada hala xidhiidho dhakhtarkiisa gaarka ah ee ugu dhow.
Dr.Herari Omer MD