SIYAABAHA LOO KORDHIYO UGXANTA RAGGA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Taranka ibnu aadamka ayaa ah mid ka kooban laba ugxamood ,ugxan labood iyo ugxan dhadig.

Ugxantu waxa ay ubaahantahay daryeel ,ilaalin labadaas qodob marka laga imaado halka ay ku dhowrsan yihiin oo ilaahay ilaaliyey ,qodobka daryeelka ayaa mid aadumuhu uu ka masuul uu yahay.

In la kordhiyo xaddiga ugxanta ninka waa marka caqab ay ku timaado oo qofka ay kusoo ururaan qodobadan keeni kara in ugxantu ay hoos udhacdo tiro ahaan iyo tayo ahaanba.

1milliliter ee ugxanta ragga ah waxa laga rabaa 15 million oo ugxan ah in ay ku jirto ,biyaha waxa laga rabaa in ay ahaadaan 1.5-5ml biyaha ninku .

Bahwadaagta caafimaadku waxa ay isku raacsantahay hormone ka ragga ee testestrone in uu saamayn ku leeyahay tayada,tirada ugxanta ragga.

XANUUNADA HOOS UDHIGA UGXANTA WAXA KA MID AH:-

  • Caabuqyada lagu kale qaado galmada.
  • Heerka testestrone ka oo hooseeya.
  • Xanuunka cystic fibrosis.
  • Xanuunada nafaqo darada ka yimaada.
  • Xanuunada jiitama sida sonkorowga ,dhiikarka iyo xanuunka thyriod ka.

Daawooyinka qaar la isticmaalo sida kuwa lagu daaweeyo xanuunada lakale dhaxlo,caabuqa iyo fiixaha waxa ay hoos udhigi karaan tirada ugxanta ninka.

HABAB DABIICI AH AYUU NINKU KU KORDHIN KARAA TIRADA ,TAYADA UGXANTIISA.

  1. Ku dedaal jimicsi in aad samayso sidoo kale hurdo kugu filan in aad seexatid.

labadan qodob waa laba qodob oo aad muhiim ugu ah xubnaha taranka .

Sida research yadu inoo sheegayaan ,miisaanka qofka oo saaida waa mid keenaysa in hoos udhac weyni uu ku imanayo tirada iyo tayada ugxanta ninka,waxa isku xidhan miisaanka qofka iyo tayada caafimaad ahaan ee ugxantiisa.

Jimicsiga qofku waxa uu kordhiyaa tirada ugxanta aad ayey muhiim u yahay jimicsigu.

7-8 saacood oo hurda ah waa inta ku haboon ee caafimaad ahaan jidhkeenu uu ku noqon karo mid badqaba ama caafimaad qaba.

Ugxantu si ay u noqoto mid tiro iyo tayo ahaan awood badan caafimaad qabtana waa in uu qofku uu seexdaa hurdo ku filan .

Jimicsiga ugu wanaagsan waa jimicsiga loo yaqaan KEJEL EXERCISE.

Halkan ka baro jimicsigan.

2. Jooji Sigaar cabista.

2016 meta anaylys 20 warbixinood ayaa ay ka diyaarisay 6000 oo nin oo kasoo qayb-gale oo sigaar cabbe ah ,markii la eegay waxa la ogaaday in tirada iyo tayada ugxantoodu ay hoosayso ,sababta ugu weyna ay tahay sigaar cabista.

Sigaarku waxa uu dilaa hiddo sidaha ugxanta ninka,waxa uu kale dagalaamaa qaab dhismeedka ugxanta oo ka kooban madax(oo ku jiraan hiddo sidayaashi) iyo dabo dheer oo ku kaydsan enerjigiisi sidoo kale uu ku dabaalanayo si uu u gaadho ugxanta dhediga si uu u bacrimiyo.

3. Ka fogow belwadaha iyo alcohol-lada.

Alcohol-sha,marijuana iyo cocaine waxa ay hoos udhigaan tirada ugxanta ninka waxa muhiim ah ninku in uu ka fogaado balwadaha ay ku jiraan,waxa jira balwado badan oo wadankeena lagu isticmaalo sida qaadka ,balwadaha la isku mudo iyo kuwa laqiijiyo waxa la iskuwada raacsanayahay wixii maanka dooriyaa in aanu uwanaagsanayn caafimaadka jidhkeena sidaas oo ay tahay in laga fogaado.

4. Daawooyinka qaar ayaa keena in tirada ugxanta ninku hoos udhacdo ,ha qaadan dhakhtar la’aan.

Daawooyinka inta badan qofku uu iska qaato iskii waxa ay ku keeni kartaa in ay dhaawacmaan unugyada laga soo saaro ugxanta ,fadlan ha qaadan dhakhtar laan daawooyinkan:-

  • Daawooyinka aynu u naqanaano antibiotics ka.
  • Daawooyinka hoormoonada jidhka lagu saxo.
  • Daawooyinka difaaca hoos loogu dhigo.
  • Daawooyinka xanuunada maskaxda iyo neerfaha.
  • Xanuun baabiyeyaasha.

iyo daawo walba oo aanad u baahnayn taas oo aad ka faaiidaysanid ceebteeda(side effect).

5.Isticmaal xulbadda.

Xulbadduw aa geed dhaqameed inabadan laga soo isticmaalayey iran iyo hindia walow uu hadda aduunka uu ku faafay.

Marka laga imaado faaiidooyinka laga helo xulbadda ee ah in heerka sonkorta hoos udhigto,in muruqyada saaciddo si ay u awoodaystaan ,dheefshiidka,caanaha oo ay u badiso hooyada,hoos udhigidda caabuqa iyo tirada ugxanta ragga oo ay badiso.

Maalinti hadii uu isticmaalo hal qaado oo xulbad ah waxa ay ubuuxinaysaa dhammaan baahida uu qofku uu qabo sida badinta ugxanta ragga.

6. Hel-xaddi kugu filan oo vitamin-D ah.

Vitamin d iyo calicum waxa ay ka qayb-qaataan caafimaadka iyo badqabka ugxanta ragga.

Siyaabaha kale duwan ee vitamin-d lagu helo waxa ka mid ah kiniini ,xaddiga cuntooyinka ee laga helo waxa ka mid ah khudaarta iyo cadcedda.

Inta aanad qaadan kale tasho dhakhtarkaaga.

7. Hel-xaddi kugu filan ZINC ah.

Marka laga yimaado in zinc uu u wanaagsanayhay difaaca jidhka,maqaarka iyo koritaanka unugyada sidoo kale,

Isticmaalka zinc waxa uu ka qaybqataa samaysanka unugyada uu ka koobanyahay ugxanta raggu ,waxa uu ka qayb qaataa korodhka tirada unugyada ugxanta.

Inta aanad qaadan la tasho dhakhtarkaaga.

@caafimaadka.net

Mahadsanidin.