SI DABIICI AH KOR UGUU QAAD CUNTO QAADASHADAADA HADII AY YARTAHAY.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Cunto qaadashada oo yaraata ,waa mid ka timid doonis nafsaaniya oo ay sababayaan cariyeyaasha keena in aynu cunto qaadano iyo inkale.

Dadka qaar waxa ay qaataan daawooyin kor uqaada cunto qaadashadooda sida maadada cyproheptadine ,dadka qaar waxa ay la qaataan vitamins sida vitamin b complex.

Dadku waxa ugu weyn ee ay ka cawdaan waa in daawada inta ay qaadanayaan oo kaliya ay cuntada ay cunayaan .

Siyaabaha dabiiciga ah ee kor loogu qaadi karo cunto qaadashada waxa ka mid ah:-

  • Isticmaal cunto yar,si aad u dareentid inaad baahi cunto u qabto,cunto qaadoshadaas yar waxa ay keenaysaa in saddexdii wakhti waad waxcuntid.
  • Cuntodaada ku dar barootiin sida hilibka cas,kalluunka,digaaga,beedka iyo biiniska ,waxa ay kordhin doonaan cunto qaadashadaada sidoo kale waxa ay kabi doonaan unugyada sida murqaha iyo maqaarka.
  • Cuntadaada ku dar dux -isticmaal subag,oil-live, avacado cuntadaada way wanaajin cunto badanna waad cuni.
  • Cuntadaada ku dar xabaasuud,basal,toon ,xawaashyo iyo malab udgoon badan oo kuu sahlaya in aad cuntid ayey usamayn doonaan cuntadaada.
  • Wakhti wakhtiyadaada ka mid ah cun ,cabitaano sida tufaaxa,liin macaanta,xabxabka,canbaha iyo khudaarta cagaaran.
  • Biyo kugu filan cab,biyuhu waxa ay hagaajiyaan cunto qaadashada .
  • Cuntada galka leh sida gallayda ,garowga ,digirta ,heedda ,basada dhammaan cuntooyinkaas waa cuntooyin muhiim u ah jidhka sidoo kale fudud ,xilliga cunto xumadana qofka siiya tamar .
  • Yaree heerka isku buuqa ama fekerka,inta ay xaalado kugu gaadaaman yihiin way adkaanaysaa in aad waxcuntid sababtoo ah faldajiyeyaashaadi waxa ay ku mashquulsanyihiin xaaladaha jira ee ka dhex socda maskaxdaada ,si degdeg ah u xali adigoo la tashanaya dhakhtarkaaga.
  • Samee jimicsi ,waxa aad ka heli awood aad waxku cuntid maadaama aad tamar aad bixinaysid.
  • Qofka aan intaa isbedel ku dareemin waxa uu u baahan yahay la talin caafimaad ,dhakhtar iyo daawo yaqaan ayaa ka talin bixin kara fadlan booqo.

Caruurta gaadhay xilliga cuntada waa lagu dabiqi karaa ee ka weyn 5 sanno.

Mahadsanid.