HOOYADU MARKA AY UMUSHO MAXAY U BAAHANTAHAY?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Laga soo bilaabo uur-qaadka hooyadu ay ilmaha ku qaado illaa inta ay ka umulayso waxa ay ubaahantahay daryeel joogto ah .

Hooyadu marka ay ilmaha qaaddo dhammaan xubnayaasha jidhkeedu way isbedelayaan ,way-dabcayaan sidoo kale shaqo badan ayaa ay xubnayaashu ay qabanayaan.

Xilliga ay uurka siddo waxa ugu wanaagsan ee hooyada lagu ilaaliyaa xaaladeeda waa kawar hayn ,dhakhtar joogto ah oo ay booqato iyo fiitamiino lagu ilaaliyo si looga hortago xanuunada ilmaha soo foodsaara.

Hooyadu waxa ay u baahan tahay:-

  • Jidh ahaan in ay soo kabato .

Jidh ahaan siyaaabaha ay usoo kaban karto waxa ka mid ah hooyada nasasho,cunto nafaqo leh oo ay hesho,hurdo ku filan,nadaafad joogto ah iyo fuuq celin sida biyo kufilan oo ay cabto.

  • Niyad ahaan iyo maskaxiyan in ay u awoodaysato.

Marka ay hooyadu ay umusho waa lagama maarmaan in ay hesho niyadsan ,degen ,dabacsan sidoo kale taageero badan intaba waxa ay ka heli kartaa in ta ku hareeraysan oo xaajigu kaw kayahay.

Hooyada maskixiyan waxa ay yeelan kartaa cabsi joogto ah,xanaq badan,farxad badan iyo calaamado kale oo kaduwan habdhaqankeedi ,waxa ay ubaahantahay in la dajiyo calaamadaha qaar hadii aad utaag heli waydo waa in aad la kulantid dhakhtar ama psycologist si hooyada loogu taageero niyad ahaan in la dhiso.

Xaaladahan waxa inta badan xalinkara hooyada ,xaajiga iyo asxaabta ku hareeraysan oo u muujiya taageero buuxda.

  • In ay hesho caawin iyo taageero.

Si ay usoo kabato 3 cisho ilaa 6 week ayey ubaahan tahay in ay nasato hooyadu ,oo kaliya ay ku mashquusho nafteeda iyo ilmaheeda.

Si ay nasashadaa u hesho waxa ay ubaahan tahay cid-caawisa oo shaqooyinki kale ka qabata.

  • Naas-nuujinta in lagu taageero.

In la baro naas-nuujinta ,in lagu taageero hooyada ilmaha siyaabaha loo qabsado ,xilliyada ilmuhu caanaha ubaahanyahay .

Caqabado badan ayaa hooyada lasoo darsa inta ay naas-nuujinayso sida in caanuhu ay yaraan karaan,cunto xumo in ay hooyada ay ku dhacdo iyo degenaashiyo la’aan.

Naasnuujinta hadii hooyadu ku dhibtooto waxa muhiim ah in ay la xidhiidho mihnadle caafimaad.

  • Hooyada in ay ku xidhnaato dhakhtar.

Hooyadu in ay ku xidhnaato dhakhtar waxa ay muhiim u tahay in dib loo eego xaaladeeda caafimaad , in ay ubaahan tahay kale koriye iyo xaalado caafimaad oo kale .

  • Caafimaadka maskaxda hooyada in laga warhayo.

Iskubuuqa,werwerka iyo cabsida badan oo hooyada waa ay dhaawacayaan waxa ay hooyadu u baahan tahay in la dareemo xilli hore maskixiyan loo dhiso .

  • Aqoon ahaan in labaro hooyada sida ilmaha yar loo naas-nuujiyo,sida loogu qubeeyo…………..

Sidoo kale in hooyada la dhiso kalsoonideeda.

Fiitamiinada muhiim ka u ah hooyada waxa ka mid ah:-

Fiitamiinka loo yaqaano pregnant care breastfeeding.

  • Inta aanad qaadan la tasho dhakhtarkaaga.
  • Hala isticmaal fiitamiino kale oo isagaa koobsaday fiitamiino kuwii ugu muhiimsanaa.
  • Isticmaal xilliga cuntada ugu fiican aad cuntid.

Hooyada bad-qabkeedu waa muhiim.

@Caafimaadka.net