XUSKA MAALINTA XANUUNKA DHIIKARKA(HYPERTENTION).

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Xanuunka dhiikarka waa mid Ka mid ah Xanuunada jiitama ,cadaadiska dhiigga oo Ka kooban laba cadaadis ayaa kale ah systolic blood pressure iyo diastolic blood pressure.

Systolic blood pressure ayaa laga rabaa in uu ahaado 100- 120mm/hg.

Diastolic blood pressure Ku uu ahaado inta udhaxaysa 60-80mm/hg.

Cadaadiska dhiigga waxa laga rabaa in uu ahaado 120/80mm/hg.

Hadii uu ahaado 140/90mm/hg ayaa sheegaysa in qofku uu halis ugu juro xanuunka dhiikarka .

Hadii cadaadiska dhiigu uu gaadho 150/100mm/hg waxa loo aqoon sanayaa in uu iiro xanuunka dhiikarka.

Cadaadiska dhiigga ee Ka sareeya 140/90mm/hg waxa uu qofku uu ubaahan yahay talo caafimaad.

Calaamadaha lagu garto in cadaadiska dhiiga/dhiikarka.

  • Madaxa xanuun.
  • Qaraaca wadnaha oo said noqda.
  • Diidid.
  • Sasid iyo werwer joogto ah.
  • Diidid.
  • Margi xanuun.

Calaamadahan qofku waxa uu isku arkaa marka uu sareeyi dhiigga ,hadii uu aad usareeyo cadaadiska dhiigu qofka waxa uu galiyaa halis badan.

Qofka dhiikarka qaba hadii aad Ku aragtid khalkhal iyo hadalo isdhaaf ah sidoo kale uu sareeyi cadaadiska dhiigiisu qofkaas waxa uu ubaahan yahay dhakhtar degdeg ah.

150/100mm/hg hadii uu gaadho cadaadiska dhiigu qofkaa waa in lageeyo goob caafimaad si cabirkiisa hoos loogu dhigo oo aanu saameyn kukeenin sida Xanuunada:-

  • Wedne- istaag degdeg ah.
  • Faalig.
  • Kelyaha oo shaqada gaba.

Goormaad baahantahay in cadaadiska dhiigga in aad cabirtid:-

  • Da’da Ka weyn 35jirka.
  • Hadii aad hiddo uleedihiin xanuunka dhiikarka.
  • Miisaankaaga hadii uu badan yahay.
  • Hadii aad la nooshahay xanuunka sonkorowga.

Qalabka lagu cabiro dhiikarka.

Cadaadiska dhiigga waxa lagu cabiraa sphagomanometer oo u baahan tababar sida loogu cabirayo .

Halkan kabaro.

B.p gan waaka ugu muhiimsan looguna kalsooni badan yahay qalabka lagu cabiro cadaadiska dhiigga.

Haddii aad daawo qaadatid xanuunka dhiikarka maxaa lagaaga baahan yahay?

  • Daawadaada in aad joogto u qaadatid.
  • Inaad 3 cishoba aad mar is cabirtid.
  • Hadii aad dareentid madax-xanuun ,dawakhaad iyo qaraaca wadnaha oo saaid ah waa in aad goob caafimaad aadid si loo ogaado waxa keenaya.
  • Hurdo kugu filan seexo.
  • Ka fogow iskubuuqa iyo xaaladaha kicin kara cadaadiska dhiiggaaga.

Siyaabaha laga hortago xanuunka dhiikarka.

  • Jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii.
  • Yaraysiga milixda iyo subagga badan.
  • Hadii uu qofku sonkorow la nool yahay in uu xakameeyo heerka sonkortiisa.

@caafimaadka.net

Mahadsanidin.