SHAQADA BADAN SAAMEYN MAKU YEELANAYSAA CAAFIMAADKAAGA?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Haa!!!!!!!!!!!!!

Shaqadu waa awoodda iyo sababta aynu ku helno quutal daruurigeena,si nolosheena aynu ugu helno cunto,daawo,waxbarasho iyo adeegyada kale ee nolosheena ku horumarinayno sida caafimaadka.

Haayadda caafimaadka aduunka waxa ay sheegtay in qofku uu shaqayn karo ugu yaraan 8-saacadood.

8-SAACADOOD OO SHAQO AH KADIB QOFKU SIDEE AYUU CAAFIMAADKIISA U ILAALIN KARAA?

  • Naso-shaqada kadib muddo 2 saac ugu yaraan.
  • Cunto nafaqo leh cun.
  • Hurdo fiican seexo.
  • Biyo kugu filan qaado ,shaqada iyo shaqada kadib.
  • Isticmaal fiitamiino si aad u noqoto qof awood badan.
  • Jimicso maalintii ugu yaraan 30 daqiiqo ,awood jidh ahaaneed iyo mid difaac si aad u heshid.
  • Marna haka fikirin dhibaatooyinka shaqada kaasoo gaadhay si degdeg ah u xali.

SHAQADA BADAN WAXA AY HOOS UDHIGTAA CAAFIMAADKAAGA!

Haa ,waxa ay hoos udhigaysaa caafimaadkaaga .

Waa halis-weyn oo aynu ugu duulayno nafteena iyo mustaqbalkeena caafimaad ,marwalba shaqada badan waxa ay kugu keenaysaa in heerka isku-buuqu uu kor u kaco ,hadii isku-buuqu kugu kordho waxa ka dhalan kara xanuuno badan sidas:-

  • Sonkorow.
  • Xanuunada wadnaha.
  • In hab-difaacu uu hoos udhaco oo qofku uu wajaho xanuuno.
  • Xanuunada lafaha sida xanuunada kale-goysyada ,sinta iyo dhabarka oo ay kukeeni karaan fadhiga badan iyo shaqada badan.

Maskixiyan saameyn intee leeg ayaa ku timaada maskaxda?

Waxa kordha heerka fikirka ,markasta oo ay shaqadu korodho waxa qofka fuula fikir ,fikirka aadka u badan waxa uu ku uu sahlaa in qofku uu yeesho xanuunka iskubuuqa.

SIDEE AYAA LOO YARAYN KARAA DHIBAATOOYINKA CAAFIMAAD EE KA YIMAADA SHAQADA?

  • Haddii shaqada aad haysid hadii ay tahay mid kaa awood badan waa in aad la hadashid qofka-kaasareeya.
  • Marna ha aqbalin culays.
  • Shaqada inta aad ku gudo jirtid lasheekayso dadka kugu xeeran ,waxa ay yaraynaysaa heerka isku-buuqa.
  • Hadii aad la nooshahay xanuuno sida sonkorow,xiiq iyo xanuunada jiitama waa muhiim in aad la wadaagtid shaqaalaha si xilli hore goob caafimaad laguu gayn karo.

QOFKA SHAQAALAHA AH MUXUU XAQ U LEEYAHAY?

Xaqa shaqaalaha dawladuhu waxa ay kasoo saaraan sharciyo , caafimaad ahaan marka aynu eegayno qofku waxa uu ubaahan yahay:-

  • Nasasho.
  • Caafimaadkiisa in la eego 6 bilood ba mar,kharashkana laga bixiyo.
  • In uu helo wakhti uu la qaato qoyskiisa.
  • Wakhti uu ka helo cidda maamulaysa si uu ugu sheegi karo cabashadiisa.

XASUUSNOW!

Shaqo-ma dhamaato ee ilaali naftaada.

@caafimaadka.net

Mahadsanidin.