QODOBO HOOS UDHIGI KARA AWOODDA RAGA-NIMADA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Inaad awood u yeelatid in aad ubad tafiirma aad ka tagtid ayaa ah nimco ilaahay uu bixiyo oo aynu marwalba ku mahadnaqayno.

Awoodaha cajiib ka ah ee ilaahay ina siiyey ayaa badanaa waxa dhacda inaga oo aan ogayn sida ay dhibtu u gaadhayso ayaa dhacda in aynu si qaldan wax u caqabano,taas si fudud inoogu hogaamiso nin ahaan in ay awoodeeni taranku hoos u dhacdo.

Qof kasta caadadiisa ha xumaato ama ha wanaagsanaato waxa aad muhii u ah in caafimaadkiisa uu ka fikiro saameyn maku yeelan kartaa mise kuma yeelan karto caadadaasi .

Qodobada saameynta ku yeelan karta taranka ragga waxa ka mid ah:-

1. Da’da.

Da’da ninku uu ku tarmo marwalba oo ay sii weynaato ,waxa hoos udhaca tirada ugxanta,dhaqdhaqaaqeeda iyo qaab dhismeedka ugxanta.

2. Qaab-noleleedka.

Qaab nololeedka qofku uu unoolyahay waxa ay keeni kartaa in saamayn ku keento hab-tarankiisa

  1. Sigaar cabista.
  2. Alcohol – waxyaabaha ay kujirto alkooladu waxa ay hoos udhigtaa hormone ka testestrone ka iyo dhaqdhaqaaqa ugxanta.
  3. Miisaanka: miisaanka oo sareeya waxa loo aaneeya in ay hoos udhac weyni ku yimaado tirada ugxanta ragga .
  4. Iskubuuqa: fikirka iyo iskubuuqa badan waxa uu keena in ayna isku dheeli tirnaan faldajiyeyaasha jidhkeena(hormones)ka taas waxa ay keenaysaa in ay hoos udhac weyni uu ku yimaado ugxanta ragga.

Ugxanta ragga inta laga rabo waxa weeyi 15million illaa 200million halkii milliliter.

3. XAALADAHA CAAFIMAAD EE KEENI KARA IN UGXANTA NINKU AY YARAATO.

  • Xanuunka Varicocele : waxa balbalaadhanaya xidida dhikisha taas waxa ay keenaysaa in tiro ahaan iyo tayo ahaan ay hoos udhacweyni uu ku yimaado tirada ugxanta ninka.
  • Xanuunada galmada lagu kale qaado.
  • Hormones/fal-dajiyeyaasha oo aan isku dheeli-tirnaan,waxa lagu arkaa qofka xanuuno sida miisaanka oo kordha ,xanuunka thyriod ka ,xanuunada la xidhiidha hormones ka waxa ay saameeyaan ugxanta ragga.
  • Daawooyinka kansarka iyo qalniinada qaar waxa ay dhaawacaan dhikisha ,oo waxa hoos udhaca tirada ugxanta ragga.

4. Deegaanka iyo saameynta uu ku leeyahay ugxanta ragga.

  • Meelaha kulaylka badan: kulku saameyn weyn ayey kuleedahay xubinta taranka ragga ,haddii uu kordho 1% oo kul ah ,waxa uu keena in 14% hoos udhac weyni uu ku yimaado hab-samaynta ugxanta ragga .
  • Sunta : Sunta sida kiimikooyinka dhirta ,caagagga iyo goobaha cayeyaanka laga helo lagu buufiyo hadii uu soo gaadho ninka buufinaya sidoo kale suntu hadii ay raacdo biyaha iyo cuntooyinka uu isticmaalo waxa ay sifudud ula hawlgali kartaa suntu jidhkiisa taas waxa ay ku keenaysaa in ay saameyso hab tarankiisa.

Hiddo ahaan hadii ninku uu ka dhaxlo waalidkii in ay yaryihiin ugxantiisu ,waa qodob jira oo awood badan marka laga hadlayo tarmo la’aanta.

|Talooyinka muhiim ka u ah ninka ee la xidhiidha ugxan awood badan tarankeeduna wanaagsan yahay:-

  • Hadii ay jiraan xanuunada ku dhaca xubnaha taranka xilli hore iska daawee.
  • Sunta jidhkaaga ka fogee hadii aad tahay beeroole ama xoolo dhaqato,ka xidho qalabka loogu talo galay.
  • Qaado fiitamiinada kor uqaada taranka.
  • Meelaha kulul ee heerkulkeedu uu sareeyo haku badnaan.
  • Jooji sigaarka ,waxa uu saameyn xun uu ku leeyahay caafimaadkaaga.
  • Hurdo fiican seexo.
  • Marwalba ku xidhnow dhakhtar si aad ula wadaagtid xogtaada.

@Caafimaadka.net.

Mahadsanidin.