Sideed ku hagaajin kartaa hurdada ilmaha?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

1. Wakhti isku mid ah seexi habeen kasta ilmaha.

2. Xiliga aad seexinayso iyo xiliga aad kicinaysaa waa inay isku mid ahaadaan maalmaha iskuulku fasaxa yihiin iyo maalmaha kalaba. Hadii laga tagi waayo hal saac oo farqi ah haw dhaxayso.

3. Saacada ka horaysa intaanu seexan ilmaha yar ha nasto. Tan macnaheedu waxa weeyaan ka ilaali inuu ciyaaro, waayo maskaxdii hurdada u diyaar garoobaysay shaqo ayay galaysaa, ciyaarahaa waxa ka mid ah games ka mobilada ama ka tv ga.

4. Intaanu sii seexan wax yar oo fudud sii oo uu cuno sida caanaha ama buskud yar, laakiin ha siin cunto adag oo culus. Kana ilaali sharaabka kafiin tu ku jirto sida kuwa soodhaha leh ama jokolaytyada kala duwan.

5. Maalintii ugu yaraan hal saac dibada ha ku ciyaaro.

6. Qolka hurdada ka dhig mid dagan oo yar madow, aadna haw madoobayn si aanu u baqan ilmaha yari.

7. Qolkuu seexanayo ha u dhigin aaladaha la daawado.

Ilmuhu waxa uu marwalba u baahan yahay tabobar fiican.

@caafimaadka.net.

Xigasho Dr Nuuradiin.Dr Garaad.