Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Vitamin-D gu waxa uu ka ciyaaraa caafimaadka qofka qayb baaxad weyn ,sida hab-difaaca,wadnaha ,lafaha,habdhiska dhiig wareegga,aragtida iyo xubnayaasha muhiimka ah sida kelyaha.
Vitamin-D ga waxa samaysta jidhkeena ,jidhkoo caawimo ka helaya cadceedda.
Calaamadaha aad ku garan kartid in Vitamin D uu hooseeyo?
- Lafo-xanuun.
- Tabcaan badan.
- Daal.
- Lafaha oo diciifa.
- Muruq xanuun.
- Hab-difaaca qofka oo hooseeya.
Dadkee ayaa marwalba u baahan in Vitamin-D gooda in laga warhayo?
- Dadka waaweyn.
- Caruurta ilaa inta ay ka qaangaadhayaan.
- Waayeelka la nool xanuunada jiitama sida macaanka,dhiikarka iyo wadne xanuunka.
- Dadka muruqyada yaryar.
- Dadka xanuunada lafaha la nool.
- Bukaanada jabay.
Haddii bukaanadan vitamin D goodu uu noqdo inta loo baahan yahay,qofkaa waa muhiim in uu qaato muddo bil ah vitamin D dan:-
- Vitamin D 1000mg maalintii hal xabo.
- 30 daqiiqo in ay isku dhigaan cadcedda.
- In qofku uu isticmacalo cuntooyinka Vitamin D ga laga helayo sida :-
Sidee loo shaybaadhaaa?
Sida caadada ah qofka waxa laga qaadaa dhiig,kadib machines ka loogu talo galay ayaa lagu eega .
Inta la rabo qofka vitamin D gu waa inta u dhaxaysa 20-40ng/ml.
Walow ay Vitamin d ga machine nadu ku kale duwan yihiin.