Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Cadaadiska dhiigga(dhiikarku)haddii uu ka sareeyo inta caadiga ah 140/90mmhg qofkaa waxa aynu nidhaahnaa waxa sareeya cadaadiska dhiiggiisa.
Muhiimad aad u weyn ayaa ku jirta in qofka cadaadiska dhiigiisa lagu ilaaliyo cuntooyinka .
Cuntooyinkaa waxa ka mid ah:-
- Khudaarta iyo midhaha.
- Muuska.
- Cinabka.
- Koostada.
- Baytaraafka.
- Avocadada.
- Cuntada galka leh.
- Bariiska midabkiisu yahay cawlaanka.
- Boorashka.
- Hedda .
- Cuntada barootiinka ah.
- Digaaga.
- Kalluunka.
- Biiniska iyo qaybihiisa.
- Ciirta iyo caanaha.
- Duxda iyo subagga la ogol yahay.
- Olive oil.
- Avacado oil.
- Duxda kalluunka.
Cuntooyinka uu ka fogaanayo qofka dhiikarka leh xilliga uu dhiigu kacsanyahay.
- Milixda.
- Cuntooyinka sonkortu ku badan tahay.
- Hilibka cas iyo ka lashiilay.
- Cuntooyinka lagu daro cream yada.
- Cuntooyinka lagu daro cheese ka .
Cuntooyinka qofka dhiikarka leh waxa la raaca sharci loo yaqaan DASH DIET waa cunto ka kooban cuntooyinka oo dhan ,sida khudaarta,Midhaha,Cuntooyinka duxdu ka yartahay ama aan lahayn.
- Yaree heerka milixda ,qofka waxa loo ogolyahay maalintii in ka yar 2300mg oo milix ah ama 150mg oo milix ah qofka dhiikarka leh .