Ilmaha nafaqadiisa si fudud ayaad u ilaalin kartaa.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Ilmahayga maxaan siiyaa fiitamiino u sameeya ka hor tag oo dhisa difaaciisa?

– In ilmaha yar la dhiso difaaciisa waa muhiim si markasta aanu ugu nuglaan xanuunada soo noqnoqda. Waxa jira waxyaabo aan lacag kaa galayn una baahnayn inaad u soo iibiso ood ku dhiso karto difaaciisa maxaa ka mid ah?

– Inaad naaska oo kaliya siiso 6 da bilood ee hore gaadhsiisana ilaa laba sano. Difaac adag baad ilmahaaga u samaysay hadaad intaa ku tarto.

– Khudaar iyo cunto dheeli tiran sida caano, beed ama kaluun.

– Hurdo wanaagsan, isagoo kaliya maaha waa in qoyskoo dhan hagaajiyo hurdadiisa. Ilmaha jira 12-18 sano wuxuu u baahan yahay 8-9 saacadood, ka jira 7-12 sano wuxuu u baahanyahay 10-11 saacadood, ka jira 3-6 sano waa inuu seexdo 10-12 saacadood, ka jira 1-3 sano waa inuu nasto 12-14 saacadood.

– Jimicsi ku filan.

– Nadaafad wanaagsan qof ahaan, qoys ahaan iyo bulsho ahaan ba.